Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA Amsterdam AFT 2013 Oo Ka Furmay Wadanka Holland (Sawirro)

Friday December 27, 2013 - 05:39:13
0 Comments
1797
Super Admin
Waxaa Magaalada Amsterdam ee dalka Holland lagu qabtay Cayaaraha Soomaalida ee xilliga Qaboobaha, (HIRDA Amsterdam Futsel Tournament 2013), kaasi oo sanadkaan lagu xusay Hogaamiyihii koonfur Afrika Nelson Mandella oo dhawaan geeriyooday, waxaana Cayaaraha HIRDA AFT uu sanadkaan ahaa kii 9-aad, iyadoona Cayaarahaan ay kaso qeyb galeen 26-kooxood oo cayaaraha Futselka ah, 2-kooxood oo wiilal Kubada Koleyga, iyo 3-Kooxood oo Gabdho Kubada Koleyga, kuwaasi oo ka kala socday wadamada, UK, Beljium, Sweden, Germany, Norwey, iyo Holland.

Cayaaraha HIRDA AFT 2013, ayaa martidii sanadkaan lagu casuumay waxaa ka mid ahaa Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, ahna Safiirka Soomaaliya ee dalka Beljium, Dr. Cali Saciid Faqi, Madaxa Isboortiga ee Dowlada Hoose Magaalada Amsterdam, Henk Stokhof, xubno ka tirsan Mas’uuliyiinta Isboortiga Soomaaliyeed, Cayaartoy hore oo rag iyo dumar isugu jiray, Madax ka tirsan Ururada Bulshada, qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadaha Soomaalida ee Wadamada Yurub, Fanaaniinta caanka ah ee Al-Ustaad Sayid Khaliifa, Laki Xaaji Waceys, Hodan Cumar Dhuule, iyo shaqsiyaad kale oo Magac ku dhex leh Bulshada dhexdooda.

Xaflada furitaanka HIRDA AFT , Jimco 20-December 2013.

Munaasabad aad u qurux badneed oo ay kasoo qeyb galeen Fanaaniin, Cayaartoy, Mas’uuliyiin Isboortiga iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada ayaa ka dhacday xaruta Sporthallen Zuid ee Magaalada Amsterdam, waxaana munaasabadaasi ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Danjire, Dr. Cali Saciid Faqi, Agaasimaha guud ee hey’adda HIRDA Drs. Faadumo Faarax, iyo Henk Stokhof, oo ah Madaxa Isboortiga ee Dowlada Hoose Magaalada Amsterdam ee dalka Holland.

Danjire Cali Saciid Faqi oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha ay u leedahay in sanadkaan uu kasoo qeyb galo Cayaaraha HIRDA AFT, isla markaana uu Magaalada Amsterdam kula kulmo dhalinyaro tiradooda kor u dhaafeysa ilaa iyo 600, oo isaga kala yimid jaaliyadaha kala gedisan ee wadamada Yurub, taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay wax si weyn loogu farxo, waxa uuna Hey’adda HIRDA ku Amaanay dadaalkeeda ku aadan sida ay ugu shaqeyso is-dhex galka dhaliyarada Soomaaliyeed ee qurba joogta (Somali Youth Diasparo) iyagoo adeegsanaya isboortiga.

“Cayaaraha HIRDA waa mid is dhex-gal ay ku sameeyaan dhalinayarada Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan wadamda yurub, kuwaasi oo ku dareemaya, Ahaan-shiyahooda Soomaalinimo iyo dhaqan, Maadaama iyaga oo ku kala nool wadamo kala luuqad iyo kala dhaqan ah, ay mar qura isugu yimaadaan hal goob, iyagoo ku wada hadla luuqadooda hooyo ee Soomaaliyeed, isla markaana isu muujiya jaceylka Walaaltinimo iyo Soomaalinimo, runtii isboortiga waa mid faa’ido u leh bulshada” Ayuu yiri Danjire Faqi, waxa uuna Hey’adda HIRDA ugu mahadceliyay wax-qabadka ay u heyso Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya iyo dalka dibadiisa.

Henk Stokhof Madaxa Dowlada hoose ee Magaalada Amsterdam u qaabilsan dhinaca isboortiga iyo Arrimaha Bulshada, Ayaa Hey’adda HIRDA ku amaanay in Magaalada Amsterdam ee dalka Holland ay ka dhigto goob ay ku kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee qurba joogta, iyagoo adeegsanaya Aalada isboortiga, oo ah mid Nabadeed, mid is-dhexgal iyo mid isku keenta qeybaha kala gedisan ee bulshada, waxa uuna dareenkiisa ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in tiro dhaliyaro oo aad u fara badan isla markaana ah Soomaali qurba joog uu kala soo qeyb galo xaflad isborti oo nuucaan oo kale ah.

Agaasimaha guud ee Hey’adda HIRDA, Drs. Faadumo Maxamed Faarax oo ka hadashay Xaflada Furitaanka Cayaaraha Soomaalida ee HIRDA AFT 2013, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamtay in sanadkii 9-aad loo taagan yahay Cayaaraha HIRDA AFT, iyadoona Mahad-naq balaaran ujeedisay Madaxda, Cayaartoyda, Fanaaniinta, iyo qeybaha kala gedisan ee kasoo qeyb galay Munaasabadaasi, waxa ayna carabka ku adkeesay in Hey’adda HIRDA u taagan tahay sidii ay usii horu-marin laheyd Taratamada Cayaaraha HIRDA, oo ah mid lagu dhiira-geliyo dhalinyarada Soomaaliyeed “HIRDA AFT uma aragno cayaaro oo kale, balse waxaan u aragnaa in ay tahay goob ay ku kulmaan dhalinta Soomaaliyeed, isla markaana ay ku dareemaan dhaqankooda iyo Soomaali-nimadooda, waana goob kulmisa Bulshada” Ayey Tiri Drs. Faadumo Maxamed Faarax.

Khudbadaha kadib ayaa waxaa halkaasi lagu soo bandhigay dood xiiso badan oo loogu hadlayay Isboortiga iyo dhalinyarada, iyadona doodaasi ay ka qeyb qaateen, Danjire Cali Faqi, Agaasimaha HIRDA Faadumo Faarax, Guddoomiye Kuxigeenka XSKK Xaawo Taako, Axmed Muuse oo ka tirsan Mas’uuliyiinta XKK, Miski Cumar, Shukri Dalbaas, Xaawo Kiin, Axmed Diinaashe, Magan Tahir Yuusuf, iyo Maxamed Ismaaciil oo dhamaantooda ka mid ahaa Cayaartoy hore Soomaaliyeed oo usoo cayaaray Qaranka dalka Soomaaliya.

Cayaaryahanadii hore ee Qaranka Kubada Koleyga Soomaaliya Marwo Shukri Dalbaas, ayaa inta ay socotay Xaflada waxa ay halkaasi Abaalmarino ku guddoon-siisay Agaasimaha Guud ee Hey’adda HIRDA Marwo Faadumo Faarax, Danjire Cali Saciid Faqi iyo Salah Hassan Omer, taasi oo ay ugu tala gashay in ay ku dhiirigeliso wax-qabadkooda.

Furitaanka Cayaaraha HIRDA AFT 2013, Sabti 21-December-2013.

Garoonka Cayaaraha ee Sporthallen Zuid Amsterdam ayaa subaxnimadii sabtida si toos ah ugu furmay Tartanka Cayaaraha HIRDA AFT, waxaana furitaanka cayaarahaasi ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda HIRDA, Eng. Mohamed Cabdisalam Cigaal, iyadoona ay si wada jir ah cayaarta u fureen Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Faqi iyo Cayaaryahankii hore ee xulka Qaranka Kubada Cagta dalka Soomaaliya Maxamed Ismaaciil, waxaana Kulamadii ugu horeeyay isku arkay dhamaan kooxihii kasoo qeyb galay Tartanka.

Inta ay socotay xaflada Furitaanka iyo Cayaaraha Maalinta sabtida ka dhacay Sporthallen Zuid Amsterdam, ayaa waxaa dadweynaha kasoo qeyb galay maaweelinaayay, Fanaaniin caan ah oo uu ugu horeeyay Fanaanka weyn Al-Ustaad Sayid Khaliif, Fanaanada reer Holland Laki Xaaji Waceys, iyo Fanaanada reer Germany Hodan Cumar Dhuule Cali.

La soco goor dhaw warbixino iyo sawirro la xariira gaba-gabada Cayaaraha HIRDA AFT 2013 oo Abaalmarino qaali ah lagu bixiyay.

Cabdixakiim Cabdi Ismaciil

Amsterdam, Holland

Related Items


Leave a comment