Horyaalka Kubada Cagta ee Somalia oo dib u furmayo bisha Janaayo ee Sanadka Cusub

Monday December 30, 2013 - 05:29:06
0 Comments
1840
Super Admin
Horyaalka Kubada Cagta dalka ee 'Nation Link Telecom Championship' uu dib u furmayo maalinta Arbacada ah ee inasoo aadan oo bisha Janaayo ay tahay 1 sanadka 2014-ka.

Waxay cayaarta ugu horeysa isaga hor imaan doona naadiyada kala ah Jeenyo United iyo Elman FC oo horyaalka difaacaneyesa.

Sida ku cad jadwalka maanta la sii daayay, naadiga ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan ayaa la kulmi doonta naadiga Savana maalinta Khamiista ah, halka Maalinta Jimcahana ay is haleeli doonaan Banadir Sports Club iyo Dekedda.

Labada cayaarood ee Jeenyo VS Elman iyo B.S.C VS Dekedda ayaa la saadaalinayaa in ay noqon doonaan labada cayaarood ee ugu ad-adag todobaadka dib u furidda horyaalka dalka.

Tartankan ayaa ka bilaaban doona cayaarta 8-aad, oo ah halkii markii hore lagu joojiyay sida ku cad isku aadka maanta la sii daayay.

Horyaalka ‘Nation Link Telecom Championship’ oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyadda badan dalka ayaa la hakiyay bishii November ee sanadkan sababo la xariira xulka qaranka oo cayaaro ku lahaa dalka dibadiisa, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu maanta soo saaray xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

"Jadwal sanadeedkii 2013 ee xulka Qaranka Soomaaliya ‘Ocean Stars’ wuxuu soo gaba-gaboobay muddo qiyaastii laba usbuuc ka badan laga joogo, laakin guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa go’aamiyay in tartanka dib loo amba qaado kaddib marka aan ka fara-xalano shir sanadeedka xiriirka oo qorsheysan in uu ka dhoco magaalada Caasimada ah 30-ka bishan December”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri xogyaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab.

Cayaar isboortiyeedka dalka ugu shacbiyada badan waxaa xilli cayaareedkan lagu soo bandhigayaa garoon heer caalami ah, waana taas tan sii kordhisay taagerayaasha kubada cagta dalka, iyadoo qof kasta uu haminayo bal in uu mar uun dhex istaago garoon leh cows-ka Artificial Turff-ka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghaye Cabdi Qani Saciid Carab maanata oo Axad ah.

"Garoonka Banaadir waxaan maalin kasta ku aragnaa dhalin yaro aad u fara badan oo FIFA iyo Xiriirka Soomaaliyeed uga mahd celinaya howshan weyn ee la qabtay, iyadoo qaarkood lagaba yaabo in aysan ogeyn waxa lagasoo gaabiyay erayga ‘FIFA’ laakin ay warbaahinta ka maqleen oo keliya in FIFA garoonkan u dayactirtay Soomaaliya”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka xoghayaha aguud Cabdi Qani Saciid Carab.

War saxaafadeedka ayaa lagu amaanay warbaahinta gudaha iyo tan dibada oo runtii waqti badan siiyay soo tebinta horyaalka dalka oo xiisihiisu uu iminka kusii kordhayo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha iyo dibada”ayaa lagusoo gaba-gabeeyay war saxafaadeeka maanta oo Axad ah uu soo saaray xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab.

Related Items


Leave a comment