Dhalinyarada iyo Dowrkooda W/Q Sh C/baasid Sh.Ibraahim

Sunday January 05, 2014 - 10:54:38
0 Comments
1625
Super Admin
Dhalinyarada iyo Dowrkooda W/Q Sh C/baasid Sh.Ibraahim

الحمد لله رب العالمين،والصلاة والسلام على من لا نبي بعده Dhalinyaradu waa xooga iyo mustaqbalka Ummad walba , sidaas darteed waxay ula dhaqantaa hadba inta mujtamacaasi uu dareensanyahay dowrka iyo hawsha dhalinyarada sugaysa si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo waxtarka Diintooda ,Dad kooda iyo Dalkooda .

Haddii aan gadaal u fiirino habdhaqankii Nebigeena Muxammed (saw) ee uu kula dhaqmayey Dhalinyarada , waxaan helaynaa inuu siin jirey muhimad aad u weyn inuu tusaaleeyo , dhiiri geliyo , oo xil iyo masuuliyadna u dhiibo , taasina waxay keen tey inay Islaamka iyo Muslimiinta u soo hooyaan guulo aad u farabadan .

Uma jeedo inaan heli karno dhalinyaro la mid ah kuwaas aan soo sheegney , waxaanse is leeyahay in habdhaqan kaas qiimaha badan lagu daydo oo lagu dhawaado si miro qiimo badan loo helo . Markaad fiiriso Quraanka kariimka ah waxaad helaysaa inuu si aad u qurux badan uga sheekeeyey Dhalinyarada Ahl kahf uuna yiri ﴿ إِنَّهُمْ فِتْيَةٌ آمَنُوا بِرَبِّهِمْ وَزِدْنَاهُمْ هُدًى ﴾ ( waa dhalinyaro rumeeyey Rabigooda , waxaan u kordhiney Hannuun ).

Nebigeena (saw) wuxuu dhalinyarada ku baraarujiyey in Qofkii awooda uu guursadao , wuxuu ku yiri Cabdulaahi bin Cabaas ( xifdi oo ilaali Allaah , asaguna Ha ku ilaaliyee) , wuxuu u sheegey Mucaad ibnu Jabal inuu jecelyahay , wuxuu u sheegey C/laahi inbu Cumar inuu yahay qof fiican haduu salaatu laylka tukan lahaa , wuxuu amrey Zayd bin Thaabit inuu barto luqada Siryaaniyiinta , Dhalinyaradii uu la socday Maalik bin Huwey rith markey labaatan maalmood Nebiga (saw) la joogeen oo uu siiyey koorso deg deg ah , dareemeyna iney reerkoodi u xiiseen , wuxuu amrey iney noqdaan dadkoodana ay baraan waxay faa’ideysteen .

Wuxuu Suubane (saw) u magacaabey Amre bin Xazmi gudoomiye Najraan asagoo Todoba iyo tobon sano jir ah , wuxuu Ali bin Abii dhaalib iyo Mucaad u direy Yemen iyagoo dhalinyaro ah si ay Diinta dadka u baraan , wuxuu si wanaagsan u daweeyey una tusaaleeyey wiilki ka codsadey in Zinada loo ogolaado.

Haddaba intaan iyo wax ka badan oo Nabigeena (saw) uu ula dhaqmey dhalinyarada waxaan ka qaadan karnaa arimaha soo socda , si loo dardargeliyo doorka ay dhalinyada ku leeyihiin Bulshada dhexdeeda :-

- In la dhiiri geliyo oo la amaano kan wadada wanaagsan ku taagan .
- In la tusaaleeyo kan wax qaban kara oo meel fiican gaari kara laakiin hilmaansan .
- In xil iyo mas’uuliyad loo dhiibo kan ka soo bixi kara, si uu Tusaale fiican ugu noqdo kuwa kale.
- In laga qeyb galiyo talada iyo go’aamada ay Bulshadu ay qaadaneyso .
- In si wanaagsan loola dhaqmo lana soo dhaweeyo kuwa khaldan ama wadada xun ku socda.
- In lagu hadlo qaabka iyo habka ay u fikirayaan .
- Inaan lagu qasbin waxaaney wax ka keeni karin oo markaa keeni karta iney fashil ay u dambeeyaan .

Waxaan filayaa in loo noqdo Siirada Nebigeena (saw) iyo taariikhda Islaamka iyo Habdhaqankii Culimadii Islaamka laguna shaqeeyo iney ku filan tahay in dhalinyarada door kooda uu muuqdo .

W/Q Sh.C/baasid Sh.Ibraahim

Related Items


Leave a comment