Taarikhyahan Aw-Jaamac Cumar Ciise oo Geeriyooday Isagoo 91-Jir ah

Tuesday January 07, 2014 - 00:20:32
0 Comments
1625
Super Admin
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN:
Allah ha u naxariistee taariikhyahanka Soomaaliyeed Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa goordhow oo maqribnimadii caawa ah [waqtiga Geeska Afrika] ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee wadanka Jamhuuriyada Jabuuti.

Rabbi ha u naxariistee Aw Jaamac ayaa ku xanuunsanaa wadanka Jabuuti halkaasoo uu deganaa, kuna noolaa mudooyinkan dambe.

Aw Jaamac wuxuu ahaa qoraa iyo taariikh caan ka ah geyiga Soomaalida. Wuxuuna qoray buugaag tiro badan oo isugu jira luuqadaha Soomaaliga iyo Carabiga oo uu wax ku qori jiray ka hor intii aan la qorn Farta Soomaaliga.

Aw Jaamac ayaa ku geeriyooday da'da 91-jir.

Taariikh kooban

Aw Jaamac Cumar Ciise wuxuu dhashay sanadkii 1922-kii. Wuxuuna ku dhashay baadiyaha degmada Qandala ee gobolka Bari halkaasoo aabihii uu ku dhashay.

Aw Jaamac wuxuu isagoo dhalinyaro ah tagay magaalada Muqdisho halkaasoo uu ka bilaabay waxbarasho dhinaca diinta ah, wuxuuna ka mid noqday xertii Sheekh Nuur Cali Colow oo Tafsiirka Quraanka iyo kutubta kale ee diinta ku akhrin jiray masaajido ku yaalla Muqdisho.

Sanadkii 1965-tii ayuu Aw Jaamac qoray buuggii ugu horeeyay oo ka hadlay taariikhda Soomaalida, waxaana buugaasi uu ahaa Af Carabi. Waxaana lagu daabacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Sanadkii 1972-kii markii la bilaabay qorista Farta Soomaaliga, Aw Jaamac Cumar Ciise ayaa bilaabay inuu diiwaankii suugaanta iyo taariikhda Soomaalida ee uu hayey ku qoro Af Soomaali kana soo wareejiyo Af Carabiga.

Sanadkii 1991 markii uu dhacay burburkii dawladii dhexe ee dalka ayaa Aw Jaamac u guuray wadanka Jabuuti si uu ugu noolaado, wuxuuna halkaasi ku daabacay buug uu kaga hadlay "Qaranjabkii Soomaaliya" kaasoo ah buug caan ah.

Innaa Lilaali Waa inaa Ileyhri Raajicuun, Illaahay ha u naxariisto marxuumka.

Related Items


Leave a comment