Xiriirka FA-ga Oo Baaraya Fartaagii Uu Natiijada Ku Muujiyay Theo Walcott Kulankii Tottenham

Wednesday January 08, 2014 - 08:03:05
0 Comments
1869
Super Admin
Weeraryahanka Xulka England Theo Walcott ugu jawaabay xad gudub Jamaahiirta Kooxda Tottenham Kulankii ay kooxdiisa 2-0 kaga badisay kulan ka dhacay Emirates.

Theo ayaa wajahaya Baaritaan ay sameynayaan xiriirka FA-ga kadib markii uu fartiisa ku muujiyay natiijada ciyaarta markii ay ku hadaqeen isagoo maraya meel aan ka fogeyn xili uu saarnaa sariirta caafimaadka.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa yiri: “Ma u maleynayo inuu wax xun sameeyay Theo”

“Dhakhtarka ayaa shegay iney jiraan Shilimaad lagu soo turay xidigaan intuu uu saarnaa sariirta”

“Waxaan arkay sawiro waxa ay ku sameeyeen Theo & Hadii FA-ga ay xukumayaan weerarka xidigaan lagu soo qaaday ma jirto wax aan ka qaban karno”

Sidoo kale da’yarka Tottenham Nabil Bentaleb kaas oo 19-jir ah ayaa isna Baaritaan lagu sameyn doonaa kadib markii uu farta uga istaagay Nacho Monreal oo daafaca kaga ciyaara Arsenal.

Xidigaan ayaa muteysan doona Ganaax Sadex kulan ah hadii ay ku cadaato inuu sameeyay ficilkaas ka baxsan kubada cagta.


Related Items


Leave a comment