Jaaliyada Jubland ee Norway oo hambalyo u diray Madaxwayne Gaas

Saturday January 11, 2014 - 10:41:20
0 Comments
1024
Super Admin
Mudane madaxweyne, naga gudoon salaan iyo tahniyad kal iyo laab ah, oo la xariirta munaasabadda doorashada laguu doortay xilka madaxweynaha Dowladda Puntland, 8 dii bishan Janaayo sanadka 2014.

Mudane madaxweyne, waxaan farxad weyn noo ah, inaan hawada kuu soo marino hambalyo iyo salaan, adiga iyo shacabkaagaba, anaga oo ku hadleyna magaca Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Norway, waxaan kuu sidnaa caleemo qoyan iyo soo dhaweyn diiran.

Mudane madaxweyne, rajadayadu waa in doorashada laguu doortay madaxweynaha dowladda Puntland ay noqoto fursad qaali ah, furaha barakada iyo kheyrka, taasoo bidhaamisa tubta toosan ee horumarka iyo higsiga dowladda iyo shacabka Puntland, sanadaha soo socda, haduu Alle idmo.

Sodoo kale waxaan hambalyo iyo salaanba u direynaa, madaxweynihii xilka ka dagay mudane C/raxmaa Faroole, waxaan leenahay waad ku mahadsan tahay shaqadii aad umadda reer Puntland iyo reer Jubbaland, iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed u qabatay mudadii aad xilka Haysay.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas, madaxweynaha Dowladda Puntland, waxan si sharaf iyo qadarin leh kaaga codsaneynaa inaad booqato Dowladgoboleedka Jubaland, waqtiga ugu haboon ama aad fursad u hesho, taasoo qeyb ka ah, isku xirka iyo wada shaqeynta labada Dowladood, iyo weliba Dowladda dhexe, si loo hubsado sugidda danaha guud ee labada shacab, iyo guud ahaan qaranka Soomaliyeed.

Si lamid ah waxaan leenahay madaxweynihii hore ee Puntland, mudane C/raxmaan Maxamuud Faroole, waad ku mahadsan tahay sida qiimaha badan ee aad xilka u warejisay, taariikhdana waxaad ka gashay baal dahab ah.

In maanta Puntland ay ka dhacdo doorasho nadiif ah oo dimuqraasi ah, iyo in soomaaliya maanta hanato dowlad federaal ah oo caalamku aqoonsan yahay, adiga ayaa ku amaanan.

Sidoo kale waxaan uga mahad celineynaa madaxweyne Faroole — madaxweynihii hore ee Puntland, isbarbartaagii Jubbaland xilligii shidada.

Gunaanad; Dowladda iyo shacabka Puntland waxaan u rajeyneynaa bash bash iyo barwaaqo, Madaxweynaha cusub waxaan Alle uga baryeynaa inuu howsha la garab galo.

Mahadsanid.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee Norway
Cabdi Ibrahim Magan (Cirjiir)

Related Items


Leave a comment