C. Ronaldo oo ku guulaystay Laacibka FIFA Ballon d’Or ee Sanadkii tagay 2013

Tuesday January 14, 2014 - 06:03:53
1 Comments
4742
Super Admin
Xiddiga Real Madrid iyo Portugal Cristiano Ronaldo ayaa la gudoonsiiyay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA Ballon d’Or.
Ronaldo ayaa abaalmarintaan ka qaaday xiddiga Barcelona Lionel Messi iyo kan Bayern Munich Franck Ribery.28 jirkaan ayaa istaatistikadiisa 2013 ay aheyd mid cajaa’ib ah isagoo dhaliyay 66 gool 56 kulan uu u saftay kooxdiisa iyo wadankiisa, waxaana ku jirtay sagaal seddexleey.

Ronaldo ayaana sidoo kale xulkiisa Portugal uu kabtan u yahay u soo saaray Koobka Adduunka isagoo afar gool dhaliyay kulamadii kala baxa ee iseebreebka oo ay la ciyaareen Sweden.

Waa markii labaad oo uu Ronaldo ku guuleysto abaalmarinta, isagoo hore ugu soo guuleystay 2008 markii uu Manchester United ciyaaryahan u ahaa ka hor inta uusan Messi afar jeer isku xigta ku guuleysan.

“Waad mahadsantihiin qof walba, asxaabteyda kooxda, xulka qaran, qoyskeyga iyo qof walba oo halkaan jooga. Eusebio iyo Mandela muhim weyn ayay ii ahaayeen, mana hadli karo” ayuu yiri Ronaldo oo qiiradeysan markii abaalmarinta la gudoonsiiyay isagoo ilin farxadeed ay soo dhaaftay.




Related Items

Comments


Leave a comment