Baarlamaanka Soomaaliya: “Meeshu waa iska Bannaan tahay Nin walbow Wadaantaada ku Tuuro!!

Thursday January 16, 2014 - 06:16:33
0 Comments
4393
Super Admin
Shacabka Soomaaliyeed, aqoonyahanada iyo dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa fajac iyo layaab waxaa ku noqotay wixii shalay ka dhacay xarunta Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xilli uu u fariistay inuu cod u qaado in Wasiiradii hore ee Xukuumadii Saacid ay ka mid noqdaan Dowladda cusub ee uu soo dhisayo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.
Arrimaha sida weyn loola yaabay waxaa ka mid ah dhaqanka cusub oo shalay lagu arkay Baarlamaanka Federaalka, kaddib markii xilli loo fadhiyay in cod loo qaado mooshin ka dhan ahaa in Wasiiradii hore aan lagu soo darin xukuumadda cusub laga dul keenay mooshin kale oo lagu diidan yahay kii hore, isla markaana cod la geliyo mooshinka cusub.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka madaxtooyada Villa Somalia laga soo abaabulay ayna ku lug leeyihiin Wasiiradii hore oo madaxweyne Xasan Sheekh garabkiisa midig ah.Xildhibaano fara badan ayaa u arka Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Jawaari inuu yahay aaladda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiiradii hore uu u adeegsanayo arrimaha Baarlamaanka, kaddib markii uu go'aamiyay inuu cod geliyo mooshin daqiiqado kahor la keenay Golaha Baarlamaanka xilli lagu madlanaa loona fadhiyay in loo codeeyo moshiin afar maalin kahor ay keeneen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka

Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli guuxa Xildhibaanada uu sheegayo inay jiraan caqabado ku hor gudban Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, isla markaana howlihiisa faragelin ay ku hayaan xubno ka tirsan kooxda Dam-Jadiid ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka soo jeedo.

Caqabadda heysata Ra'iisal Wasaare C/Weli ee ku saabsan magacaabista Golihiisa Wasiirada ayaa maalinba maalinta ka dambeysa cirka isku sii shareereysa, taasi oo keentay inuu Baarlamaanka ka codsado muddo kordhin toban maalmood ah, hase yeeshee Xildhibaanada qaarkood ayaa ka walaacsan inay ku filan tahay mudada uu qabsaday inuu ku soo magacaabayo Gole Wasiiro.

"Baarlamaanka waa inuu wax ka qabto dhibaatada keentay in Ra'iisal Wasaaraha uu soo magacaabi waayo Golihiisa Wasiirada" sidaas waxaa yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo sheegay in koox ku sugan xarunta madaxtooyada ay qas ku heyso Ra'iisal Wasaaraha.


Juhdiga Madaxweyne Xasan Sheekh uga baxay ridista iyo soo magacaabista Ra'iisal Wasaaraha xukuumadiisa ma aha mid halkaan ku yaala ama qormo kaliya lagu muujin karo, hase yeeshee Soomaalidu waxay tiraahdaa "Ninba ceesaantii ceel geysay" taasi oo ujeedadu tahay in Madaxweynuhu kala saaro dantiisa gaarka ah iyo tan guud ee dadka iyo dalka.

Meeshu waa iska bannaan tahay nin walbow wadaantaada ku tuuro! haddii Madaxweynihii dalka sidaas u dhaqmayo, Guddoomiyihii Baarlamaankana wadaantiisa tuurtay maxaa laga fili karaa mustaqbalka Dowladda Federaalka xilli uu dalka ka baxay KMG-nimadii?. Sida muuqata Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u koray in Wasiirada ay isku ururka yihiin ee horay Wasiiro uga ahaa Ra'iisal Wasaarihii kalsoonida lagala noqday markii uu labadooda khilaaf soo kala dhex galay uu ku soo daro Golaha Wasiirada cusub.

Meeshu waa iska Bannaan tahay nin walbow Wadaantaada ku Tuuro, DAM-JADIID oo ka mid ahaaUrurrada aan magaca laheyn ee Soomaaliyeed balse howlahooda hoosta ka watay iyagoo maanta dowladdii Soomaaliyeed gacanta ugu jirto maxaa laga filan karaa mar haddii muddo hal sano ah oo talada ay hayeen shacabka Soomaaliyeed kala kulmay niyad jab aad u weyn?!!.


Khubarada ku xeel dheer siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan in xukuumadda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh tahay Dowladdii ugu liidatay ee soo martay taariikhda inta la xusuusan yahay dalka Soomaaliya, iyadoo heykalkii dowladnimo iyo howlihii looga fadhiyay uu meel iska dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh kana raacday danihiisa gaarka ah.

Baarlamaankii Soomaaliyeed oon maanta wacyi laheyn una jilicsan cid kasta, khaasatan cidii wax tareysa, koox DAM-JADIID la yiraahdo oo aan looga fadhin inuu xasilo dalkaan iyo dadkaan burburka xoogan uu soo gaaray iyo balaayo kale ayaa dhulkii soo gashay, dan qabiilna kama shaqeeyaan, dan gobolna kama shaqeeyaan, dan qaranna kama shaqeeyaan, waa daneystayaal kursiga uun bay ka gashay, haday waayaanna way dagaalamayaan, haday helaanna way xasilayaan goormeey noqdeen kuwo xambaarsan Masaalixda ummadda.?

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil37@hotmail.com

Related Items


Leave a comment