MAQAAL:- BAHDA REER MADHIBAAN MAYEYSAN SOMALI KA DHALAN.
W/Q Ali Haashi Diiriye (Dhuxul)
Email:alidirie41@gmail.com
Waxaan salamayaa oo aan mahad balaaran u jeedinayaaa dhamaan bulshawaynta
somaliyeed qaybahooda kala duwan meel kastoo ay joogaan gaar ahaan bahda saxaafada sida
Burtinletimes.com.
Waxaan maqaalkaan uga hadlayaa arimo dhawr ah oo dhamaantood ku saabsan tacadiga ,duudsiga ,quursiga iyo dhaca aan kala go'a lahay ee lugu hayo beelawaynta Rer madhibaan maqaal wuxuu iskugu jiri doonaa talo waano iyo taarikhda beesha iyo deegaan kooda.
1, waxaan wada ogsoonaha in beesha rer madhiban la
quursado oo aan gabdhaha laga guursan ayada oo loola jeedo inaysan la sinayn
bushada in teeda kale tusaaale
ahaan hadii ay dhacdo wiil aan ahayn madhiban oo guursada gabar rer kaas ah wan
takoornaa sido kale hadii wiil madhiban ah uu guursado gabar bulshada kale
gabadha waa la dilaaa ama wiil madhiban kaa ayaa la silciyaa kadibna waa laga
furaa taasna sharciga meel ay uga taal majirto.
Hadii aan idin la wadaago arin ayan dhawayd ka dhacday dagmo katirsan somaliya arintaas oo
ahayd mid aad ii xanuujisay wiil
madhiban ah iyo gabar bulshada kale ah ayaa is jeclaaday kadibna waxay ku
heshiiyeen inay is guursadaan wiil
kii madhibaan ka ahaa baa yiri hadii aan
halkaan isku guursano guurkeenu ma hagaagayo ee aan gobol kale isula cararno waa
yahay bay tiri gabadhii markii ay
saa dhacday ayaa rerkii gabadha dhalay markay ogaadeen ayay wiilkii aabihiis
afduubteeen kuna xireen ilaa gabadhii lasoo ceshay inay haysanayaa.
Kadib gurmad badan oo deegan kaa oo aan loo kala harin ayaa suurta galisay in
odaygii laga siidaayo taasi waa
dhan ka guurka iyo quursiga lugu hayo beesha reer Madhibaan.
Bal aan aadno dhan kale iyo adeega bulshada meeshay ka taagan yihiin rer sheikh
ma dhibe
2-tan xilal ka kajira somaliya iyo sida looga qayb galiyo:- Rerka aan kor kusoo xusay maleh
Wasir , Xildhiban , gudoomiye gobol ,dagmo ama tuulo xil kalena warkiisaba daaa
Intaasba is ka dhaafe xitaa maleh
agaasime maamul iyo mid Isbitaal ama school iyo xitaaa kuwa meelaha xaaqa
intaasba waa bulshada kale.
Ayan dhawayd ban waxan arkay meel lugu qayb sanayo xildhibaano ah gole deegaan mise rerka ugu badan meesha ee madhiban qof kuma leh kuwo aan meesha daganayn laakin rer fookh fookh ah xildhibaanay qadanayaan markaan su'aalay waxaa layiri sheekh hadalka badan jooji waxba umahayno reerkaas.
3, Dhanka waxbarashada Waa dad wax barasho raba aan awood badana ulahay inay heer sare ka gaaraan duruufo jira awgood, Intaasba waxaa kadaran wiilka ama gabadha rer kaas ah lama fariisan karto oo arday kama noqon karto ciyaalka bulshada kale sababahan soo socda Awgood —cay, caawin la’ aan, dhaqaalo la aan, bahdil iyo in laga fogaado meesha uu fadhiyo kadib waxay sababaysaa in ilmahaa kacararo iskuulka .
4, deegaanada iyo siday somaliya udagan yihiin
Waa
rer ka ugu badan beelaha somaliyeed deegaan ahaan hadii aad tagto ras ganbooni
,waxaa arkaysaa magaalada gees keeda ayagoo sixoogle u dagan raascasayr sidoo
kale:-
Beelaha kale ee soomaliyeed ma dagana gobol kasta lakin madhiban magalo iyo
gobol kasta somaliya wa dagan yahay oo waliba ku xoog badan yahay lakin taan
iswaydiiyo baa ah hadii ayaga saa u dagan yihiin maxaa ka qadiyay qaybta
gobolada ama dagmoyinka ama dawladaba.
Waxan naftayda u sheegay ama aan ogaaday inay tahay samir kooda iyo xaqdaro laga
galayo.
Sidaa darted somaliya waxay la dagi ladahay bayna kamid tahay bushada latakoorayo
oo aan cid ka hadlaysa la arag sheekh iyo sharifba aqoonyahan iyo dhalinyaroba
cuqaal iyo hooyooyin ba.
Talo bixin
waxan oran lahaaa dhaman bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxda dawlada somaliya ka jirta , xisbiyada diimaha iyo xisbiyada siyaasigaa wax ha laga qabto dad kaas aan kor kusoo xusay.
Gabagabo:
Waxaa Qoraakayga ku
gabagabayn sigaar ahna ugu dirin Fariin cod dheer leh
Maamulada ka duwan ee Dalka somaliaya Sida Dowlada Somalia, Somaliland,
Puntland
Iyo dhaman maamulada kale iyo horjooga yaasha somaliyeed in dib loo eego bulshada rer madhiban oo la duudsiyey xuquuqdoodii, ogaadana
malin aan la is duudsiin karin baa soo socotaoo
qofka cadaalad sameeya uu jano helin Kan
dadka kala soocana sadkiisuyahay Jahanama ka mid noqon kuwa cadaalada sameeya.
Fadlan waxaan ku gabagabeyn qoraalkayga intaas Mahadsanid igana raali noqda.
By ali xashi diiriye dhuxul or dhuubane
Emailalidirie41@gmail.com
Facebook dhuubane dheere
Thank you somalian peaple
Afeef: Fikirkaan waxaa uu gooni u yahay Qoraaga Bahda Burtinletimes looma eegi karo qoraalkaan ,Cidii rabta in ay fikir noo soo dirto ku soo dir Email:-Burtinle@burtinletimes.com .
Leave a comment