Ururka Aayakatalis oo Xalfad Qalin jabin u sameeyey 20 dhaliyaro oo dhamaysatay maadooyin kala duwan

Sunday January 26, 2014 - 04:55:51
0 Comments
4732
Super Admin
Magaalada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa waxaa lagu qabtay Xalfad balaaran oo qalin jabin ahayd taas oo loo sameeyey Dhalinyaro deeq waxbarasho uu ugu deeqday ururka Aayakalis. Deeqdaan oo ahayd mid dhalinyaradaan u sahashay inay bartaan Luqada English-ka, Computer-ka iyo Nursing-ka ayaa waxaa ka qayb qaatay dhalinyaro iskugu jiray wiilal iyo Gabdho kuwaas oo tiradoodu dhantahay 20.

Aayakatalis ayaa ah Urur kadhisan Gudaha wadanka gaar ahaan Gobalada Puntland waxaa iska kaashada dhalinyarada gudaha wadanka iyo kuwo Qurbaha ku nool. Ururku wuxuu ka shaqeeyaa arimaha Bulshada sida uu sheegay Gudoomiyada Aayakatalis ee Gudaha wadanka Mudane Cawil Kamas

Mudane Cawil ayaa sheegay in ay jiraan horumar badan uu ururku horay usoo qabtay oo aysan midaani ahayn wax qabadkii ururku ee ugu horeeyey. waxaa uu xusay in ururku horay deeq waxbarasho u siiyey dhalinyaro hada ka shaqa gala isbitaalka guud ee Dagmada Burtinle taas oo ah wax maanta uu ku faanayo Ururka Aayakatalis. sidoo kale waxa uu sheegay in Aayakatalis ay si wayn uga qayb qaadatay Horumarka ka socda deegaanka Xaarxaar kuwaas oo iskugu jira Magaalaynta, Hirgalinta Isbitaalka Guud ee Deegaanka iyo horumar kale oo badan oo hada soo socda.

Waxaa sidoo kale Xalfadaan ka hadlay qaar kamid ah Culima'udiinka reer Burtinle oo uu kamid yahay Sh. Abdirazak Caqiido. sheikha ayaa waxaa uu soo jeediyey Kalimad kooban taas oo ku bogaadiyey Ururka Aayakatlis gaar ahaan dhalinyarada qurbaha oo gacanta wayn ka geesatay horumarkaan ururku ku tilaabsaday. sheikh Abdirasak ayaa sidoo kale codsay in lataageero ururuka isla markaana lagarab istaago.

Waxaa sidoo kale kahadlay Xalfaan qalin jabinta qaar kamid ah Bulshada reer Burtinle oo leh Nabadoono, dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno katirsan Maamulka Dagmada Burtinle. Waxaana lagula dardaarmay dhalinta ka faa'idaysatay deeqdaan waxbarasho inay noqdan kuwo horay usii wataan waxbarashadooda qayb waynna ka qaataan Horumarinta Bulshada si lamid sida ayaga loo garab galay.

Hoos ka daawo sida ay xalfadu u dhacday:

<

BTS-Dagmada Burtinle

Related Items


Leave a comment