Ma shareecadaa Fashilantay mise Dadkii Hirgalinteeda Sheeganayey?

Tuesday June 30, 2009 - 04:13:42
1 Comments
2965
Super Admin
Waxaan arkay nin cimaamad qaba oo I daba socda, markaasaan aad uga naxay, nololna waa ka quustay. Markaan xoogaa socday ayaan arkay isagii oo sigaar shitay, markaasaa neefi iga soo kuday!. Waxaan wadanay gaari, markaasaan aragnay gaari na daba socda, waxaan u malaynay wadaado, markaasaa walwal Alle noo keenay, goor aan is qiblaynay baan aragnay inay mooryaan yihiin, markaasaan aad ugu faraxnay!. Diinta ha lagu dhaqmo waxay dhashay aragnay, bal waakaase yaa damboo diin ha lagu dhaqmo loo sheegayaa?.

Hadaladaan iyo kuwo la mid ah ayuu maqlayaa ninka taga Muqdisho. Cidda hadaladaas allifaysa ama faafinaysa waxaa ka mid ah dad wadaadada ku tirsanaan jirey, oo hadda siyaasaddu la gashay inay dicaayadahaan abuuraan ama suuq-geeyaan iyagoo ay la tahay inay hadaladaas wax ugu dhimayaan rag ay siyaasadda isku hayaan, waxaase ka maqan inay iyagu is ceebaynayaan. Waxaa kaloo foorjadu raggaas hilmaansiisay in diinta ay dadka ku dirayaan aysan gaar u lahayn ragga ay xukunka isku hayaan. Haddaba waxaynu qormadaan ku eegaynaa gafafka wadaadada ka dhacay inay yihiin qalad dad galay iyo, inay yihiin qalad diintu gashay iyo waliba wax ka mid ah asbaabta keentay gafafkaas.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa haysta mashaakil fara badan oo isugu jira kuwa siyaasadeed, nabadgalyo, bulsho, dhaqaale iyo miskexeed (fikri). Mushkilad kastana waxay leedahay muuqaallo lagu garto iyo sabab ama asbaab kala duwan oo keentay. Waxaa kaloo dhici karta in hal mushkiladi ay sabab u noqoto mashaakil kale ama mushkilad walba ay mashaakilka kaloo jira sii xoojiso. Tusaale ahaan mashaakilka siyaasadeed waxay dhaliyaan nabadgalyo la�aan, nabadgalyo la�aantuna waxay saldhig u tahay dhaqaale burbur, dhaqaale burburkuna wuxuu wataa mashaakil badan oo ijtimaaci (bulsho) ah.

Marka la doonayo in wax laga qabto mashaakilkaas kala duwan ee ku habsaday dadkeenna iyo dalkeenna waxaa loo baahan yahay in la darso muuqaallada ay leeyihiin mashaakilka yaal, asabaabta keentay, mushkilad walba raadadka ka dhashay, xiriirka ay la leedahay mashaakilka kale iyo siyaalaha ugu habboon ee loo daawayn karo.

Waxaa kaloo in la milicsado u baahan muddada mushkilad walba soo jirtay, baaxadda ay leedahay iyo intay hoos u qodan tahay. Waxaa iyana in la kala saaro u baahan dhibaatooyinka dadka ama dowladaha qaarkood ku danaysanayaan iyo kuwa mutuxan; si loo kala ogaado kuwa difaaca haysta iyo kuwa kale. Marka mushkiladda iyo waxa ku xeeran dhinac walba laga istaago, si buuxdana loo salgaaro ayay tahay in loo tafaxayto xal u heliddeeda.

Daawada Jirrooyinkeena:

Dhinac kale marka laga eego waxaa diraasad u baahan dawada la isticmaalayo, cidda wax ku dawaynaysa iyo bukaanka la dawaynayo. Tan hore waxaa hubsasho u baahan in waxa la isticmaalayo dawo dhab ah yihiin iyo in kale. Waxaan uga jeednaa in dadka Soomaalida horseedka u ah xalka ka dayaan meel uusan jirin ama ay wixii mushkiladda keenay laftoodii xal bidaan, sida qabiil qabiil wax inoo ku qaybsha, kuwa meesha isku haysta u qaybsha iyo talo saarashada shisheeye, taasoo waxay xallisa daaye xalka ceel ku sii ridda.

Haddaba Soomaalidu markay muddo baadida meel aysan jirin ka goobaysay ayaa badankoodu waxay ku qanceen in waxa kaliya ee dhibta looga bixi karo, wanaagna lagu gaari karo sharciga Eebbe yahay, taasina waa tillaabadii koowaad ee dhinaca xalka loo qaaday, waxaase meesha ka maqnaaday arrimo kaloo xalka saamayn ku leh, waana cidda wax ku xallinaysa shareecada iyo cidda lagu xallinayo.

Takhtarka Diinta wax ku dawayn kara:

Tan labaad waa in la hubiyo in qofka wax ku dawaynaya yahay takhtar garanaya habka dawadaan loogu dabiibayo xanuunka qofkaan ama bulshadaan haya, isla markaana uu daacad ka yahay dawaynta bukaanka.

Haddaba markii loo jeestay isku dawaynta shareecada (oo la wada hubo inay xanuunada ina hayoo dhan dawo u wada tahay) ayaa dad aad u farabadani soo gashadeen (xidheen) dharkii dhakhaatiirta, waxayna bukaankii ku bilaabeen: suuxin, qalliin, adigu labo liq, adiga xanuunkaagu dawo ma leh iwm, iyagoo waliba aan wax baaris ah ku samayn xanuunada kala duwan ee dadkaan haya iyo dawooyinka u munaasibka ah midna.

Dadka sidaa yeelaya waxay isugu jiraan kuwo waxay daweeyaan iska daaye iyagu buka, oo waliba qaba xanuuno ka dheeraad ah kuwa bukaanku la ildaran yihiin, kuwo iyagu caafimaad qaba laakiin u haysta in dawoooyinkoo dhani xanuunadoo dhan dawo u wada yihiin ama sidii la doono loogu daweeyo, oo is leh dadkiina dawaysta uun, kuwo dawada iyo sida la isugu daweeyaba yaqaan, aanse daacad ka ahayn isku dawaynteeda, una arka inay siyaalo kale ugu badinayso iyo kuwo dawooyinka yaqaan, xanuunadase aan garanayn ama labadaba yaqaan, aanse habkii la isu waafajin lahaa u dhacsanayn.

Afartaa qolo midkood wuxuu isku darsaday aqoon xumo iyo niyad xumo, midna aqoon xumo iyo niyad wanaag, midna aqoon iyo niyad xumo, midna niyo sami iyo aqoon dhiman, waxaase ka wada dhexeeya inay wax ba�shaan, waxna aysan hagaajin. Cidda shareecada wax ku xallin karta waa dad isku darsaday cilmigii diinta, kii waaqica, sidii labadaas la isu waafajin lahaa iyo waliba daacadnimo. Haddaba waxaa cad in aynaan dadkaas helin ama aynaan kaalintoodii siin, maqnaantooda ama maqnaysiintoodana wax badan inoo ka xumaadeen.

Bukaanka Diinta lagu Daaweynayo:

Tan seddexaadna in la ogaado in bukaanku diyaar u yahay dawaynta ama uu dawada sidii loogu talogalay u qaadanayo, isla marakaana aanu isticmaalayn wax dawada waxtarkeedii burinaya. Taa waxaan uga jeednaa dadweynaha xalka loo raadinayay si buuxda ma ugu diyaarsanaayeen inay sharciga Alle sida uu yahay u fuliyaan mise nin walba ama qolo kasta waxay doonaysay in shareecadu xaqeeda u soo dhiciso, kan lagu leeyahayna aysan ka qaadin iyo inay dadkay is hayaan u majo-xaabiso ama ay wax kaga bursadaan?. Waxaa la hubaa in qaar badan oo ka mid ah dadkii la doonayay in shareecada Alle lagu daweeyo iyagii macallimiin u noqdeen dhakhaatiirtii, sababtu ha noqoto inay u sheegteen indheer-garadnimo iyo waayo-aragnimo ama ha noqoto inay ka soo galaan dhinaca beesha ama kooxdeena saanaa dani ugu jirtaaye sida kitaabka ku taal ina ka joojiya. Hadday arrini sidaa noqotayna waa la hubaa inaan cidina kicin Karin ruqo ninkii lahaa dabada kaga taagan yahay.

Isku soo duuboo shaki kuma jiro in sharciga Alle dawo u yahay mashaakilka muslimiinta haystoo dhan, mushkilad walbana uu dawo gaar ah u dajiyey, waxaase loo baahan yahay in bukaan walba dawada xanuunkiisa lagu dabiibo, habkii loogu talogalayna dawadaas loo qaato, isla marakaana laga fogaado waxyaabaha dawada ka hor imaanaya. Tusaale ahaan xanuunka haddii daawo aan tiisii ahayn loo qoro ama dawadiisii loo qoro ee aan sidii loogu talogalay loo qaadan midna lagu ma dawoobo, inay xanuuno hor leh keentana u badan. Haddii saas wax u dhacaana waxaa la hubaa inaan daawadu eed lahayn ee ay eeddoo dhan dusha u ridanayaan dadkii u qoray xanuun aan kii lagu dawayn jirey ahayn ama yiri ha loo isticmaalo si aan ahayn habkii wax loogu daweyn jirey. Waxaa kaloo eedda wax ku leh cidda dawadii loo qoray u qaadatay si ka duwan sidii loogu talogalay ama isticmaashay wax dawada waxtarkeedii burinaya.

Eedda fashilka yaa leh?:

Tan iyo bilowgii sannadkii 2006 waxaa talada Soomaaliyeed faraha kula jirey gaar ahaan gobolada koonfureed kooxo wadaado ah oo hadba magac watay (maxkamado, muqaawamo, dowlad iyo maamulo islaami), waxayna ku baaqayeen, halkudhagna u ahaa hirgalinta shareecada islaamka iyo inay dhibteenoo dhan xallin doonto. Raggaas waxay markii hore ku soo caanbexeen ka hortagga qabqablayaashii Xamar oo bulshadu dhib badan ku qabtay. Ka dib waxaa laga filayey inay wixii Soomaali ka xumaayoo dhan shareecada ku xalliyaan, waxaase soo baxay inay wataan qaar ka mid ah cilladihii Soomaali haystay oo khilaafka iyo colaadda sokeeye u daran yihiin, ayna waxay xalliyaan iska daaye iyagu u baahan yihiin wax kala furdaamiya. Taas waxay keentay in dad badan oo diinta iyo dadkeeda ulo booc ah ugu tukubayey, iyo dad kaloo wax ma garato ah ay eedda dusha uga tuuraan shareecada, ayna ku tuhmaan inaysan wax xal ah keeni Karin, iyagoo ka duulaya: hadday shareecadu xal tahay may dadka ku baaqaya mashaakilkooda xalliso?.

Waxaa kaloo eedda shareecada loo jeedinayo ka qeybqaatay raggii siyaasadda isku hayey, shareecadana ku wada baaqayey oo isu dhigay siday iyagu shareecadii yihiin. Tusaale ahaan ninkii doonaya in dadku isaga indho la�aan ku soo raacaan, qofka diida wuxuu ku eedaynayaa inuu midnimadii diiday ama uu jihaadka ka soo horjeedo ama uu diidan yahay dhismaha dowlad islaami ah. Qofkii diida midnimada sida aad u rabtid ama jihaadka fikradda aad ka haysatid ama dowladda aad doonaysid dhab ahaan ma aha qof diidey midnimo, Jihaad iyo dowlad islaami ah ee waa qof diidey mashruucaaga ama fikraddaada. Fikraddaan ragga is haya la yimaadeen ama ugu yaraan laga qaatay waxay dadweynaha galin kartaa cuqdad ah in shareecadii fashilantay, waana waxa cadawga diintu doonayaan.

Shareecadu xagga Rabbi ayay ka timid oo sida Allaha soo dajiyay ceeb uga hufan yahay bay iyana uga hufantahay, waxa khaladku ka yimaadaana waa dadka laga doonayo inay ku dhaqmaan oo marna asiiba marna gafa. Shareecadu waa miisaankoo kale oo haddii siduu yahay wax loogu miisto khalad kama yimaado, haddiise ninka meheradda leh kiilooyinka markuu dadka wax u miisayo wax ka baxsho ama uu wax ku karo markuu dadka wax ka soo miisanayo ama uu gabal miisaanka ka mid ah dadka ugu sheego intuu ahaa ka badan ama ka yar, hadduu saa yeelo wixii xumaada eeddeeda miisaanku ma lehee ciddii qaladay ama is badamarisay baa leh.

Wadaadku ma qaldami jirey, hadduu qaldamase sidee loola dhaqmi jirey?

Waxaa kaloo xusid mudan in Soomaalidu waligeed aqoon jirtey wadaad eexda ama xadgudba, diintana ma eedayn jirin, wadaadbaa qalloocdayna uga ma tagi jirin ee diintoodana waa haysan jireen, wadaadka qaladkiisana waa ka gar bixi jireen. Waxay Soomaalidu arrimahaas ka lahayd maahmaahyo caanbaxay, oo ay ka mid yihiin: Fiqi tolki kama janno tago (waa u eexdaa), la jiifiyaana bannaan (waa nin labo xaajo oo isku mid ah labo xukun kala siiyey), rag ciil cadaab ka dooray (wax lagu cadaab muto ayuu rag iska dhici u falaa) iyo, rag iska dhici iyo Rabbi ka baq meel ma wada galaan.

Gabagabadii dadweynaha Soomaaliyeed waxaa la gudboon inaysan qalad dad galay diinta saarin, ugana tegin; waayo dadkaasi kama xigaan Alle, Rasuulka (scw) iyo diinta. Waxaa kaloo la gudboon in aan dad diinta la col ah qaladkaas ugu soo dhex dhuuman ee ay ka feejignaadaan. Ragga diinta ku baaqayana waxaa la gudboon inay dadweynaha u caddeeyaan inaysan iyagu diintii ahayn, waxay gafaana aan iyada loo raacan Karin xataa hadday ku ijtihaadaan, oo iyagu ajar ka helayaan; si diintu uga badbaado si xun wax u fahamka caamada iyo dhagarta uur-ka-gaalyada ulaha boocaa ugu tukubaya. Waxaa iyana caddayn uga baahan haddii fashal iyo meel ka dhac yimaado inay iyagu leeyihiin, shareecaduna beri ka tahay. Waxaa kaloo arrintaa sii caddaynaya in cid kastoo diinta ku dhaqantay dhib badan ka xallismay.

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment