Jamacada Bariga Africa Qaybta Garowe ayaa soo gabagabaysay Qaybtii 1aad ee Shahada Masterka

Thursday March 13, 2014 - 13:35:44
0 Comments
1308
Super Admin
Jaamacada Bariga Afrika qaynteeda Garowe ayaa lagu soo gaba gabeeyey Diyaarinta Shahaadada Masterka waxaana lagu baranayaa Maamulka iyo maaraynta Wax barashada ( Educational Planing and Adminstaration) iyo Hormarinta Manaahiijta (Currucolom Development), Barnaamijkan waxaa maalgaliyay dhaqaalaha usagoo marsiiyay Hay’ada (CFBT) Waxaa fududaynaya oo Casharada bixinaya Macalimiin ka socda Jaamacada Nairobi, Waxaana Xiriirinta iyo Marti gelinta barnaamijka iska lahayd jaamacada Bariga Afrika qaybta Garoowe.

4Barnaajikan muhiimka ah waxaa ka faa’iidaysanaya in ku dhaw 43 Arday 11 ka mid ah Ardaydaasi waxay ka Socdaan Magaalada Muqdisho Qaasatan Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, 18 Ardayda ka mid ahna waxay ka socdaan Wasaarada Waxbarashada Dowladda Puntland halka 14 Ardayda ka mid ah ay Lacagta iska bixinayaan.

5Xiritaanka Barnaamijka oo Hadalo Kooban laga soo jeediyay waxay sheegen Macalimiintii ka socotay Jaamacada Nairobi in Waxbrashada ay la dagaalamayso nabadla’aanta oo qof kastoo jahli ah haduu wax barto uu dadkiisa anfici karo, waxayna rajo wacan ka muujiyeen in Ardayda ay si wacan uga faa’iidaysan doonaan Barnaamijkan.

8Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah Maamulaha Jaamacada Bariga afrika faraceeda Garoowe wuxuu sheegay in uu soo dhawaynayo fursadan qaaliga ah oo ay heleen Ardayda Somaaliyeed ayna noqonayso mid kaabta tacliinta Dalka, wuxuu sheegay in Jaamacada EAU ay Diyaar u tahay hogaaminta Barnaamijkasta oo waxtar u ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ayna soo dhawayayaan.

9Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame oo Xaflada soo xiray wuxuu sheegay in uu Jeclaan lahaa in uu Ardayda ku biiro hase ahaatee aysan hada macquul ahayn wuxuuse balan qaaday Kulamada kale in uu ka qayb gali doono Isagoo arday ah, Wasiirku wuxuu dhiirigelin gaar ah usameeyey ardayda ka timi Muqdisho isagoo sheegay in dalkoodii hooyo ay joogaan si diiranna loo sii dhawayn doono.

11Jaamacada bariga Afrika ayuu si gaar ah ugu Amaanay Wasiirku Qaabilaada iyo Xiriirinta Barnaamijka, wuxuuna ku booriyay Ardayda in ay la tartamaan macalimiinta wax baraysa oo Su’aalaha ku badiyaan oo aysan iska fadhin sida Arday bilow ah oo kale, Maadaama ay master diyaarinayaan.

2Barnaamijkan wajigiisa 1aad wuxuu bilowday 3dii bishan wuxuuna ku ekaa 12kii Bishan, wuxuuna si toos ah usoo dhamaan doonaa February 2015.

Sidoo Kale jaamacada bariga Afrika waxay Casho Sharaf soo dhawayn ah u sameesay Ardaydii martida ahaa ee ka socday Muqdisho waxaana Casho Sharaftaasi kasoo Qayb galay Madaxda Wasaarada Waxbarashada sida Wasiirka Agaasimaha guud Agaasimaha mashaariicda kan imtixaanaadka iyo sidoo kale macalimiin ka tirsan EAU wuxuuna kusoo dhamaaday Isbarasho Dhiirigelin iyo sii dhawayn.

3 1 7 6 10 12 1

Related Items


Leave a comment