Xagee Haweenka Soomaaliyeed lagu xaqiray? by Dr. Idris Khalaf

Thursday July 07, 2016 - 21:35:19
0 Comments
3188
Super Admin
XAGEE HAWEENKA SOOMAALIYEED LAGU XAQIRAY

Acw walaalaha Soomaaliyeed, waa amakaak iyo yaab koormaa lagu xaqiri jiray gabdhaha Soomaaliyeed Soomaaliya, waxaan usoo joogay dawladihii uu wadanka soo maray laga soo billaabo tii Aaden Cade, tii Cabdirashiid Cali Sharmarke, illaa tii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre uu hogaaminayay, weligay ma arag mana maqal mana arag meel lagu xaqirayo gabdhaha Soomaaliyeed.


Waxay nala bilaabeen dugsiga Quraanka kan hoose illaa Jaamacad illaa aan tartan u wada galnay Shaqadii Dawladda ayadoon loo fiirinaynin yaa Gabar ah yaa wiil ah yaa reer leh yaanse lahayn. Waxaan ka wada shaqaynaynay xafiisyadii Dawladda oo weliba gabadha reerka leh ay ka xuquuq iyo qadarin badnayn shaqaalaha intooda kale. Gabadha reerka leh waxay lahayd saacado iyo bilo dheeraad ah oo fasax ah oo la xiriira hadday uur leedahay ama ay dhasho ama ay nuujinayso ayadoon mushaarkeeda waxba laga dhimin.


Waxaan la yaabanahay xagay ka jireen xaqiraadda la sheegayo in gabdhaha Soomaaliyeed lagu hayay ?

Waxaan arkaayaa arintaan xuquuqda Haweenka in ay tahay mashruuc la doonayo in lagu marin habaabiyo jiilalka mustaqbalka ee ku caqliyaystay xiligaan dawlad la'aanta. Waxaa intaa dheer, qaanuunkaan waa mid laga keenay aduun kale iyo Dad aan diin lahayn, danta nalaga leeyahay waa in aan sidii noogala fogayn lahaa Diinteena suuban.


Saas darteed, waxaan codsanayaa in arintaa meel looga soo wada jeesto oo aan la aqbalin, sidoo kale, walaalihii aqoonta u lahaa taariikhda aan kasoo hadlay iyo say wax u jireen in aysan ka aamusin oo ay kashifaan beenta iyo qayaanada Ummadda lagu hayo.
Mahasanidiin.

Dr.Idris Khalaf

Related Items


Leave a comment