Xulka Faransiska oo Finalka Euro 16 usoo baxay

Saturday July 09, 2016 - 09:21:48
0 Comments
1486
Super Admin
Xulka Faransiiska oo martigalinaya koobka Qaramada Yurub ee Euro 2016 ayaa waxa uu u gudbay kama dambeysta koobkaasi kaddib markii ay tartan weyn kaga adkeen xulka Jarmalka markii ugu horreysay tan iyo 1958.

Laba gool ee ciyaarta ayaa waxaa Faransiiska u dhaliyay ciyaaryahan Antoine Griezmann, kaasi oo haatan 6 gool ku hogaaminaya gool dhalinta tartankaasi. Ciyaaryahankan ayaa labada qeybood ee ciyaarta kala dhaliyay labadiisa gool, iyadoo goolka hore uu dhaliyay daqiiqaddii ugu dambaysay qeybtii hore ee ciyaarta, kaddib markii kabtanka xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger uu gacan ku taabtay kubadda sidaana gool ku laad loogu dhigay, si fududna uu u daba mariyay goolhaye Manuel Neuer.

Xulka Jarmalka ayaa ciyaarta iyo kubad isku dhiibka ku sareeyay tan iyo bilowgii ciyaarta balse Griezmann 18 daqiiqo markii ay ciyaarta ka harsan tahay waxa uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta. Sidaana waxa uu xulka Faransiiska ugu gudbay kama dambeysta koobka Qaramada Yurub, iyadoo Axadda ay wada dheeli doonaan xulka Portugal.

Xogta ay tahay inaad ogaato Faransiiska ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee laba jeer martigaliya tartanka Qaramada Yurub misana labadaa jeerba gaara kama dambeysta koobkaasi (waana 1984 iyo sanadkan 2016). Faransiiska ayaa markii ugu horreysay tan iyo 1958 Jarmalka kaga adkaaday tartan weyn.

Jarmalka ayaa markii afraad loogaga adkaaday nus dhammaadka tartan weyn lixdii kulan ee ugu dambeeyay (2006, 2010, 2012, 2016).
Bastian Schweinsteiger ayaa xulkiisa tartan weyn u saftay 38 jeer, iyadoo taasi ay ka dhigayso ciyaaryahanka ugu badan ee saftay kulamada Koobka Adduunka iyo tartanka Qaramada Yurub.

Michel Platini oo kaliya (oo dhaliyay 9 gool tartankii Euro 1984) ayaa dhaliyay goolashii ugu badnaa ee uu ciyaaryahan dhaliyo tartanka Euro, Antoine Griezmann-se waxa uu haatan leeyahay 6 gool

Related Items


Leave a comment