"Dookhayga Maaha"by Sheikh Mohamed Idris

Tuesday July 12, 2016 - 05:21:43
0 Comments
2603
Super Admin
Asc sh mohamed idriis, Bacdal salaan shiikhow waxaan qabaaa xaas aan wali ii curan oo dhawaan aan gursaday waana kufududaaday gurkeeda hase yeeshee maahan qof xun waa qof intii naag wacantahay wacan aqlaaq leh ina adeecda laakin maahan dookhayga, marka shiikhow waxaan rabaaa inaan iska furo oo tu kaloo dookhaygaa raadsado! marka maxaad i gula talin lahayd shiikhow? -----------------------//--------------------//--------------

Wacaylaykuma Salaam Saaxiib,
Waxaa laga weriyey Khaliifkii 2aad ee Islaamka Cumar Radiyallahu Canhu mar uu qoyska kala talinayey nin yiri xaaska ma jecli: (Guryaha oo dhan Jacayl Keliya Laguma Dhisin).

Waa dhab saaxiibow in Jacaylku yahay isha ugu weyn ee geedka gurigu ka cabbo, kuna adkaado, hayeeshee ma aha isha keliya, waxaa jira dhaqan, macruuf, naxariis, abaal iyo nolol labada wadaaga isku haysa, ka dibna waxaa jira, ilmo ka dhashay labadii dhiig oo isku milmay ka samaysmay oo aan kala go'i karin..

Waxaa kaloo jira saaxiibow jacaylku hal maalin masoo wada dego, ee sida ilmaha ayuu dhashaa, fariistaa, gurguurtaa, istaagaa, socdaa oo xoogsadaa.. Wuxuu la koraa dhaqanka iyo micaamilka, sheekada iyo dhegeysiga, dhaq dhaqaaqa iyo socdaalka nolosha, intaasoo dhan waxaa kasii muhiimsan isla jaanqaadka xiriirka gaarka ah ee qolka jiifka, iyo sida gaardiga la isula helo!

Intaa hadaad milicsato saaxiib, Gabadha wanaag baad ka sheegtay adoo ku mahadsan, akhlaaq iyo daacadnimo ayaad ku tilmaantay, waa astaamo ay yartahay in laysla helo! Gabadha weli waad isku cusub tihiin, waqtiguna waa kooban yahay, waxaanan u badinayaa waxa aad qoonsaneyso ee aad leedahay (dookhayga maaha) iney sabab u tahay ineydaan weli si fiican isu baran.. Waqtina aad u baahantahay gacalada aad ku sii barato.. Waxaan kale oo dhici karta maskaxdaada iney weli doobnimadii iyo kala door doorashadii weli ku dambayso, oo sawirka tii kuu sawirnayd aad iyada ka dhex goobeyso, hayeeshee hadaad ku qanacdo inaad guursatey, oo gacalo guriga kuu joogto, waxaa dhici karta inaad dookhaagii ayaama ka dib ka dhex hesho..

Sidaa awgeed saaxiib, iyadoo furriinku bannaanyahay hadii xal kale la waayo, ayaan kugula talin lahaa inaadan deg degin, godobna gelin, nabsina galabsan, ee isku daydo gabadhaa wanaagsan inaad la sheekaysato, qalbigeeda u dhacdo, si dhab ah isugu daydo inaad waxa aad jeceshahay kala soo baxdo, waxaa dhici karta in caad kaa saaranyahay, ama hadda aanu kuu muuqan, khayr kale oo badanna inuu ku duugan yahay wey dhici kartaa, Ilaahay ha isku kiin khayro!

W/Q Sheikh Mohamed Idris

Related Items


Leave a comment