Xulalka Gobalada Banadir iyo Puntland 2-2 galay- Koobka Goballada

Tuesday July 19, 2016 - 21:03:35
0 Comments
1639
Super Admin
Magalada Muqdisho waxaa ka socda weli koobka mamulada dalka oo ay marti galisay Gobalka Banaadir, galabta oo Tallaado ah waxaa wada dheelay xulal matalayay Banaadir iyo Puntland oo ka wada jira guruubka koowaad.

Ciyaarta labadan xul ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, waxaa usoo daawasho boqolaal dadwayne ah oo labada kooxood kala taageersanaa, sidoo kale madax ka tirsan dowladda ayaa goobjoog ahayd.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar xiiso leh, balse waxay u muuqatay inay isku awood yihiin marka loo eego sida ay weerarka isagu qaadayeen, ciyaarta ayaa ugu danbeyntii kusoo idlaatay bar bar dhac labo iyo labo ah, waxaana guruubka kaalinta koowaad goolal kusoo baxay Gobalka Banaadir halka kaalinta labaadna uu kusoo baxay Puntland, guruubkaasi waxaa ka haray xulka Koonfur Galbeed oo labadiisii ciyaarood laga adkaadey.

Labadaan xul ayaa sugaya xulalka kasoo baxa guruubka labaad oo ay ku wada jiraan Jubbalabd, Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, beri waxaa wada ciyaaraha Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe, ciyaartaasoo la sugayo cida guulaysata, Jubbaland oo ciyaar laga badiyay ayaa leh saddex dhibcood halka Hiiraan/Shabeelaha dhexena ay lee dahay saddex dhibcood.

Wasiirka Ciyaaraha DFS Maxamed Cabdilaahi Xasan ayaa sheegay ciyaarahan inay kor u qaadayaan xiriirka dhalinyarada dalka iyo isbarashada, waxa kale uu sheegay inay rajeynayaan in koobkan si guul ah kusoo dhammaado.



Related Items


Leave a comment