Koobka Goballada: Jubaland oo Ciyaarta kama danbaysta usoo baxday

Friday July 22, 2016 - 21:12:02
0 Comments
1903
Kooxda matalaysey mamulka Jubbaland ayaa ciyaarta kama-danbeysta koobka mamulada dalka ugu soo baxday laadadka xorta ah, kaddib markii ay bar bar dhac isla dhaafi waayeen kooxda Banaadir, xiiso xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka kubada cagta ee Koonis.

Ciyaarta labadaan kooxood ayaa ahyad mid isku dheeli-tiran man jirin fursado halis ah oo ay labada dhinac abuureen marka laga tago difaacada oo aad u ilaalineyay inay xeen daabyada ay masuulka ka yihiin kubada lala soo galo.

Garoonka galabta waxaa soo buux dhaafiyay dadwayne aad u faro badan oo kala taageerayay kooxaha Banaadir iyo Jubbaland, waxaa jirtey saadaalin loo sameeyay inay Fiinaalaha usoo bixi karto Banaadir hase yeeshee sidaasi ma aysan noqon oo dhinaca kale ayay isku rogtey.

Mamulka ciyaaraha Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey inay ku faraxsan yihiin guusha ay ciyaarta galabta ka gaareen, waxayna sidoo kale sheegeen in kubaddu cadaan iyo madow tahay koox unna ay raaci lahayd guusha ciyaarta.

Magalada Muqdisho ayaa laga dareemayaa guusha Jubbaland ay ka gaartey ciyaarta ay la yeelatay galabta kooxda Banaadir, waxaana la saadaalinayaa cida koobkan qaadi karta.

Beri oo sabti ah waxaa madaxa isla galaya kooxaha Puntland iyo Hiiraan/Shabeelaha dhexe waxaana ciyaar kale oo aad u xiiso baddan.

Source: PuntlandPost

Related Items


Leave a comment