Madaxwayne Gas oo u hambayeeyey Xulka Kubada Cagta ee Puntland

Saturday July 23, 2016 - 20:06:05
0 Comments
2197
Super Admin
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 23-July-2016 hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyey xulka kubbadda cagta Puntland ee qaybta ka ah tartan ciyaareedka u dhexeeya dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka, kuwa samaysmaya iyo gobolka Banaadir, xulkaas oo maanta usoo gudbey Final-ka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay Puntland in ay tahay dawlad dhinac walba ka dhisan isla markaana xulkaani maanta ay kor usii qaadeen magaca iyo maamuuska Puntland, isagoona sheegay in uu u rajeynayo in koobkaasi uu ka soo degi doono Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay Sports-ka ama ciyaaruhu in ay keenaan is dhexgal bulsho, qayb lixaad lehna ay ka qaataan caafimaadka iyo dhismaha jirka, isla markaana ay dhallin yarada ka mashquuliyaan tahriibka, maandooriyayaasha iyo falalka liddiga ku ah nabadda iyo diinta.

"waxaan hambalyo u dirayaa  xulka kubbadda cagta Puntland oo guul weyn  ka soo hooyey ciyaartii galabta ay la galeen xulkii ku ciyaarayey magaca Hiiraan iyo Shabaeellada Dhexe iyo Banaadir oo ay hore ula soo ciyaareen isla markaana ay galabta usoo gudbeen Final-ka.

Waxaan u rajeynayaa in ay gebagebada koobkaasi soo qaadi doonaan xulka Puntland isla markaana ay noqon doonaan kuwo looga daydo ciyaara kubadda cagta ee Soomaaliya, waxaan sidoo kale bogaadinayaa xulalkii kale ciyaaraha qaybta ka ahaa, waxaanan leeyahay  waad ciyaarteen balse ciyaari labo nin kama wada qosliso” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ciyaarta Final-ka ayaa la qaban doonaa maalinnimada Isniinta ee soo socota waxaana  ciyaartaasi isku arki doona xulalka Puntland iyo Jubbaland oo ah labadii xul ee ugu adkaa ciyaarihii ka soconayey Garoonka Konis ee magaalada Muqdisho.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Related Items


Leave a comment