Toggii Dahabka ahaa! W/Q Cabdimajiid Diiriye

Friday August 12, 2016 - 07:20:36
0 Comments
1936
Waxaa la yiri ciidan duullaan ah baa habeen u dareeray xagga cadawgoodii ka jirey. Goor ay muddo socodkoodii sii wataan baa Waxay kusoo beegmeen meel tog ah xilli habeen Gudcur-maararugle ah (aad mugdi u ah).


Xilli ay toggii dhex marayaan ayaa wuxuu ciidankii duullaanka ahaa la yaabay togga sharqanta ka yeeraysa markay ku dul socdaanba.

Nin ciidankii ka mid ah ayaa yiri war togga maxay tahay sharqanta ka yeeraysa? Abaan-duulihii ciidanka baa ugu war celiyey waa wax ninkii qaatana uu ka shallaayi doono kii ka tagana uu isna ka shallaayi doono marka waagu beryo.


Nin ciidankii ka mid ahaa baa ku tallamay tolow markasta hadday shallay ii qorantahay maanba toggaan baas wax ka qaato?! Ninkii xoogaa uu islahaa waa dhagxaan buu inta xantoobsaday jeebabkiisa ku gurtay. Xoogaa ka dibna toggii baa laga tallaabay oo waa la dhaafay lagana gudbey.


Ciidankii oo nin kasta yaabbanyahay shallaytana isu diyaariyey baa waagii u dillaacay. Ninkii xoogaaga xantoobada ah jeebabka kusoo ritay isagu kaba daran ragga kale.Markii uu waagii si fiican u cadaaday oo geed iyo qofba lakala gartay baa ninkii jeebka gacanta geliyey oo soo saaray wuxuu la walaacsanaa ilaa xalayto.Mise waaba dahab wuxuu wato.


Ninkii dhabanada buu gacanta saaray oo yiri cakuye haddaan soo badsan lahaa maxaa iga bi'i lahaa?! Ciidankii kale dhammaantiisna intuu afka gacanta saaray buu isna ku cataabay cakuye maannu xoogaa kasoo qaadanno. Halkaas waxaa ka caddaaday hadalkii abaan-duulaha ee ahaa nin walba waa uu ka shallaayi doonaa.


‪#‎UJEEDKA‬ SHEEKADU WAXAA WEEYE QOF KASTA OO SOOMAALI AH WUU KA SHALLAAYIN ITOOBIYA IN AY SII DHISNAATO IYO IN AY BUR-BURTO.


Sababtoo ah hadii ay sii dhisnnaato dhulka soomaaliyeed ee ay xooga ku heysato ayey sii gumeysaneysaa sidoo kalena madaxda daba dhilifyada soomaalida ee ay ku adeegato dhibka dalka iyo dadka ay ku hayaan waa sii socon doonaa hadii ay burburtana qaxooti malaayiin itoobiyaan ah oo dalkeena u soo carara oo kusoo jaba aannu u diyaar garowno.


Balse anigu waxaan ku jiraa dadka leh cakuye may burburto oo soomaaliya kasii hoos marto. ILLAAHOW adaa caadil ah cidkastana ka xoog badane Itoobiyaanka na dulmiyey nooga aargoo gacmahayagana ku sallad. Aamiin.


Iga raalli ahaw hadaad Itoobiya jeceshahay oo hadalkaan ku dhibay inta ila neceb ee wadaniyiinta soomaaliyeed baa aad iyo aad kaaga badane.


Fadlan soomaalida ila neceb Itoobiya sii gaarsii Aamiintana hala bakhaylin. Fadlan walaal adigoo mahadsan share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.


Xigasho: Cabdimajiid_Cabdiraxmaan_Diiriye.

Related Items


Leave a comment