Itoobiya oo Dhabahii Bur Burka Cagta Saartey

Friday August 12, 2016 - 07:53:53
0 Comments
2644
Marka hore hadii aynu dib u jaleecno taariikhdu markay aheyd sanadkii 1991-kii, ayay aheyd markii Jabhaddii xoreynta dadka Tigray-ga oo 16 sano halgan hubeysan kula jirtay Taliskii Dhargida ee Madaxweyne Mingistu Xayle Maryam ay kala wareegtay xukunka dalka.

Jabhaddii Tigray-ga (Tigray People Liberation Front-TPLF) oo 7-dii nin ee aas-aastay ay ka nool yihiin labo nin: Seyoum Mesfin iyo Abay Tsehaye ayaa ujeedkoodu waxa uu ahaa in ay dal madax banaan oo ay leeyihiin helaan. Waxa ay taageero ka heleen dowladii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre Allaha u naxariistee.TPLF markii ay rideen taliskii militariga ee Dhargiga (Dergue) waxa ay la yimaadeen axdi qarameed cusub oo ay dalka ku maamuli karaan.


Waxa markii ugu horeysay taariikhda Itoobiya ka unkumay dowlad gobaleedyo ku dhisan qoomiyaad, kuwaas oo kala ah: Axmaarada, Oromada, Soomaalida, Shucuubta koonfureed (Sidama), Benishangul-ka, Gambella iyo Canfarta.


TPLF Waxa ay bilaawday in ay xuduudo u kala yeesho dalka kuwaas oo ay uga faa’iideysteen in dalka ay ku maamulaan mudo 25 sano ah siyaaasad ku dhisan qeybi oo xukun. Waxaana dastuurka Itoobiya ku dhigan in qoomiyaddii rabta in ay la go’do dhulkeeda uu xaq u siinayo qodobka 39-aad ee dastuuriga ah, kaas oo si dad badan xuquuq u siinaya kaliya dadka Tigray-ga ah, oo gacanta ku haya baarlamaanka Itoobiya.


Taliska Tigray-ga oo gacan dhaqaale, gacan diblomaasiyadeed iyo mid kale ba ka helay Mareykanka markii ay ku duuleen Soomaaliya 2006-dii, ayaa fursad u heleen in ay sii maamulaan dalka rubuc qarni.


Tigray waxa ay si buuxda gacanta ugu dhigeen dhammaan dowlada Itoobiya hay’adaheeda kala duwan. Waxa ay maamulaan ciidanka Itoobiya oo tiradiisu dhan tahay 185,500. 20-ka taliyayaasha ciidanka ugu darajo sareeya waa Tigray, 15-ka Taliyayaasha Booliska Federalka waa Tigray, 50-ka ugu sareeya ee xisbiga talada haya ee TPLF/EPRDF waa Tigray, 10-ka la taliye ee Xafiiska Ra’isal Wasaaraha waa Tigray, 120 safiiro oo kala jooga 120 dal oo Dunida dacaladeeda waa Tigray, 31 qof oo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamka u matala dalka waa Tigray.Intaas waxa dheer, xisbiga talada haye ee Tigray u muruqweynyahay (TPLF/EPRDF) waxa ay kuraasta baarlamaanka ku guuleysteen 100 % doorashadii dhacday sanadkii 2015-kii. Susan Rice, la taliyaha arimaha ammaanka dalka Mareykanka waxa ay ku tilmaantay iyada oo qosleysa oo kaftameysa "Doorasho si dimuqraadi ah u dhacday”.


Xaqiiqda dhabta ah ee la xiriirtaa cidda maamusha Itoobiya waa Tigray oo 6% ka ah dalka.Haddaba, qoomiyadda Oromada oo ah midda ugu balaaran, is la markaasna ka mid ah 15 dal oo raba in ay ka go’aan Itoobiya ayaa bilowday 12-kii bishii Novembar, sanadki 2015-kii mudaharaad ay kaga soo horjeedaan waxa ay ugu yeereen Addis Ababa master-plan oo la rabay in lagu balaariyo caasimada dalka. 2 malyan oo Oromo ah ayaa ku waayi laheyd qorshahaas dowlada deegaankooda. In kasta oo ay dowladu ka laabatay go’aankaas, hase yeeshe; waxa aan is taagin mudaharaadyadii oo iska sii socday. In ka badan 450 nafood ayay Oromo ku weyday oo kaga dhintey iyadoo Xariga, jirdilka iyo caburinta ay xadka ka baxday.


Qowmiyadda Axmaarada oo ah mid ka mid ah labada qowmiyadood ee talada dalka soo hayay marka lagu daro Tigray-ga (Ethiopia/Abyssinia house) in kabadan 200, oo sano ayaa dhiiri-galin ka heshay dibadbaxayaasha Oromoda. Waxaana ay magaalada Gondhar, Bariga Ismaamulka kililka Axmaarada ay ka dhigeen mudaharaad ay ku waayeen tiro dad ah 14-kii bishii Luulyo, sanadkan 2016-ka Waxana boorarka ay wateen halheys uga dhigeen in ay rabaan "Taliska TPLF in uu dhoco”, in "kheyraadka dalka si siman loo qeybsan” iyo in ay ka xunyihiin "Oromada ay leynayaan Ciidanka Ammaanka” ee loo yaqaano AGAZI.


Mudaharaad lagu qabtay ku dhawaad 200 oo goobood oo dhulka Oromada ah, kaas oo markii danbe khalkal-galiyay caasimadii dalka ee Addis Ababa markii uu soo gaaray bartamaha magaalada ee Meskel Square. Mudaharaadka oo ku bilowday si nabdoon ayaa is ku badalay mid rabshado wata, waxaana lagu dilay sida la wariyay 50 Oromo ah. Boqolaal ayaa la xirey ama la jirdilay.Odayaal dhaqameed Axmaaro ah *Walkait-a ayaa ka carooday iyaguna in dhul iyo deegaano ay leeyihiin lagaga darsaday dhulka Tigray-ga sanadkii 1991-kii. Waxaa la xiray oday dhaqameedyadii qaar ka mid ah,taas oo kicisay dad badan. Mudaharaad wakhti hooban socday ayaa lagu gubay gaadiidkii dowlada. Sidoo kale, waxaa toogasho lagu dilay dhowr iyo toban ciidan oo ay ka mid yihiin saraakiil Tigray ah.


Waxaa maxkamadda sare ee Gondhar Jimcadii la soo saaray nin la sheegay in uu mudaharaadkaas ku dilay saraakiil Tigray ah oo lagu magacaabo Col. Demeke Zewdu. Ka dib mudaharaad ayaa ka dhacay fagaaraha maxkamada; Mudaharaadkii Gondhar ayaa sidoo kale, Sabtidii waqooyiga dalka magaalooyinkiisa waaweyn isku balaariyay sida, Debre Tabor, Koladiba, Gayinti, Gojjam iyo Caasimada kililka Axmaarada ee Bahir Dar.
Mudaharaadkii Bahir Dar oo markii hore soo gaaray isaga oo dagan laf dhabarta magaalada ee Abay Mado Zefer ayaa rabshado isu badalay markii ay dhagaxaan la dheceen ciidankii. Waxa lagu dilay inta la ogyahay 34 dadkii banaanbaxayay. Hantidii ay laheeyeen Tigray-gu ayaa la boobay, dab ayaa la qabadsiiyay guryihii ay ku lahaayeen magaalada.Si weyn ayay uga careysiisay mudaharaadayaashan maamulka Tigray-ga waxa ayna sheegeen in dulqaadkii ka dhammaaday oo hadda waxa ka danbeeya ay birta ka aslayaan dibad baxayaasha. Waxa ayna jartay mudo 24-saac ah baraha bulshada iyo Internet-kii dalka.


Dagaalo ayaa laga soo warinayaa waqooyiga Gondhar, dagaalkaas oo galay maalintiisii 4-aad ayuu u dhexeeyaa dadka deegaanka Axmaarada iyo ciidanka dowlada. Baabuur hubsida oo marayay Muse Bamb iyo Soroqa oo ah dhanka Gondhar ee gobalka Axmaarada ayaa la sheegay in uu gacanta u galay iska caabinta Axmaarada maalintii Isniinta. Sidoo kale, keyd hub ah ayay Axadii la wareegeen is ka caabinta Axmaarada.Dabley hubeysan oo Oromo ah ayaa Isniintii ugu yaraan waxa ay dishay 14 ka mid ah ciidanka Tigray oo ku sugnaa markii la leynayay xerada ciidan ee Adele Camp oo dhowr KM u jirta Haramayo. Askarta qaar waxaa laayay banaanbaxayaasha Oromada iyadoo tirada ugu dambeysay dadka dhintay ay dhan yahiin boqol qof ka badan.


Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Xayle Maryam Desalegn ayaa sheegay in dalku u muuqdo mid galaya dagaal sokeeye, loona baahan yahay in dalalka dariska ah lagu cibro-qaato. Taliyihii guud ee hore ee Ciidanka Itoobiya Lt. Gen. Tsadkan G Tensae (1991-2001) ayaa sheegay in is badal deg-deg ah la sameeyo haddii kale in dalku galayo burbur iyo kala carar.


Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan iyo kacdoonada ka socda Itoobiya ee ay wadaan Oromoda iyo Axmaarada oo mid walba calan gooni ah wato ayaa rajadii Itoobiya ay ka laheyd in ay ku qabsato dalka Soomaaliya iyo Bariga Afrika quus-galiyay waxaana Itoobiya ay cagta saartay dhabahii bur burka.


Qalinkii: Ahmed Abdi.

Related Items


Leave a comment