Sargaal Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Qabtay Koonfurta Gaalkacyo,

Monday August 15, 2016 - 21:33:08
0 Comments
2269

Ciidanka Kumaandooska Somaliyeed ee (Danab) iyo Kuwa PAS-Ta Ee Puntland ayaa habeenkii Sabtida hawlgal qorsheysan ku soo qabtay gaarigaasi, xilli ay la socdeen laba nin oo dhalinyaro ah, isla-markaana ay wateen laba qori oo AK47 ah.

Gaariga la qabtay oo noociisu uu yahay Toyota Land Cruiser, ayaa waxaa iska leh Nuur Deeq C/laahi, kaasoo Ururka Al Shabaab u qaabilsanaa dilalka ay ka gaysanayaan Magaalada Gaalkacyo. Gaarigan waxaa la sheegay in loo isticmaali jiray laba taarigo. Taarigo Somaliya iyo mid Puntland ah.

Sarkaalkan, ayaa waxaa baadigoob xoogan ugu jira Ciidamada Kumaandooska Danab oo kaashanaaya Ciidamada Mareykanka, qaybtooda ka hawlgala Somaliya.

Ciidamada Danab, ayaa gaariga iyo hubkii ay la soo qabteenba ku soo bandhigay Magaalada Gaalkacyo, balse maynaan soo bandhigin labadii nin ee la socotay.

Hawlgal qorsheysan oo toddobaadkii hore ay Ciidamada Nabad ka sameeyeen xaafadda Wadajir ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay ku soo qabteen shan nin oo middi uu yahay ajnabi u dhashay dalka Sudan.

Maalmihii Ugu Danbeeyay ayeey Howlgalo Nocaan Oo kala ah Oo Qorsheysan ay Magaaladda Gaalkacyo ka wadeen Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Sirdoonka Iyo Nabadsugidda ee Somaliya iyo Puntland Oo Is garabsanaya

Related Items


Leave a comment