Warqad furan oo ku socoto dowladda (Aragti)

Tuesday August 23, 2016 - 20:23:29
0 Comments
1934
Waxa ay waraaqadan toos ugu socotaa dhamaan mas'uuliyiinta dowladda Federal-ka ah ee soomaliya. Waxaan ahay nin dhalinyara, muwaadin Soomaliyeed ah, doonaya inuu lawadaaga ma'suuliyiinta dowladda qodabo shan(5) ah oo ka guuxayay maskaxdayda in muda ah, madama ay igu adagtahay inaan hor fariista mas'uulkasta si aan ula wadaaga shantan qodob.


1)Qaraxyada Iyo Weerarada Tooska Ah Ee Lagu Qaada Xarumaha Dowlada Iyo Hoteelada.

Mudane ma’suul waxaan markasta idaacadaha ka maqalna weerarka kadib, waxaa gudaha hoteelka ugalay 3 ilaa 6 weraryahan oo katirsan Al-Shabaab.

Su’aashu waxa ay tahay. Maxaa lagu ogaaday yihiin 3 ilaa 6 tirada weerarka soo qaaday?, Maxaase diidaya iney tiradaas tira kabadan Ku weeraraan argagixisada gudaha hoteelka qaraxa kadib?

Anigu waxaan aaminsanahay inay cadowgu gudaha hoteelka ama xarumaha dowladsu ay gudaha ugalaan isla markaasi qaraxa uu dhaca iyaga oo kulabisan dhar shacab ah sida (suit)-ka IWM, isla markana Ku bilaaba toogasho mas’uuliyiinta qaranka oo ay aqoonta u leeyihiin iyo waliba qolka ay ka deganyihiin hoteelka.

waxayna weerarka kadib iska dhigaan dadkii kusugnaa hoteelka ee soo badbaaday iyaga oo daqadaha hoteelka soo istaaga codsadana iney ciidamada amaanka siiyaan jaranjaro si loo soo badbaadiyo, maxaysa ciidamu Ku Kala garanayaan kan maskiinka ah ee lasoo badbaadiyay iyo kan gacan Ku dhiiglaha ah. Bal akhristow adiguna maxay kulatahay in lagu kala garan karo labadaas koox?.

Hadaba way fududahay in lakala garto gacan ku dhiiglaha iyo kan Ilaahay soo badbadiyay.Waxaa taas wehliyo tira yar oo Al-Shabaab ah kuna labisan dereeska dowladda si loogu marin habaabiyo dowladda in ay tiradaas yar soo weerareen hoteelka. Hadaba waxaan kaa codsanayaa mas’uul inaad amartid ciidamadeena amniga iney qofkasta oo laga soo badbaadiyo hoteelada laweeraray ama la weerari doona in la mariyo baritaan dheer si lagu ogaada inuu yahay gacan ku dhiigle iyo inkale. F.G. ha aaminin in ay dhamaan dagaalyahanada Al-Shabaab ay rabaan iney dhintaan ee waxaan aad u aaminsanahay waxaa jira qaar raba iney sii noo laadaan weerarka kadib, si aay markasta u dilaan mas’uuliyiinta qaranka iyo shacabka Soomaliyeed.

2)Dhagaxyada Waa Weeyn Ee Yaalo Irida Hore Ee Hoteelada

Mas’uul ma ka warqabtaa in dhagaxyadan laga sameeyay shubka aay yihiin kuwa sahlaya inuu qaraxu yeesha saameeyn weyn sida cod aad u xoogan ama inuu Fido. Tusaale ahaan gaariga qaraxa sida wuxuu Ku socdaa xawaare aad u sareeya wuxuuna sidaa waxyaalaha qarxa oo aad u culus(force) wuxuuna u baahanyahay awood u dhiganto(reaction) si qaraxu u yeesho sameeyn waayn, marka mas’uul ma kuu muuqataa in dhagaxyadan shubka iyo biraha laga sameeyay iney iyaguba sahlayaan in qaraxu yeesho saameeyn weyn iska dhaaf inuu amni u keeno hoteelada?

Hadaba mas’uul fadlan Ku amar maamulka hoteelada iney ka fogaadaan isticmaalka dhagxaanta ka sameeysan shubka ee ladhigayo irida hore ee hoteelada. Taas bedalkeeda waa iney dowaladdu la timaado qaabkale(mechanism) lagu sugayo amniga hoteelada sida ineey hoteeladu ka fogaadaan wadooyiinka ay maraan baabuurta dadwaynaha si ay hoteeladu u sameeystaan jid gooya ka fog hoteelka.

3)QAABKA LOOGA HORTAGI KARO BURBURKA HANTIDA SHACABKA

Mudane mas’uul ilaalinta hantida shacabka waa waajib ku saaran sida amnigooduba mas’uul kaaga saran tahay. Tusaale ahaan qarax kastoo dhaco waxaa garab socda hanti badan oo bur burto sida baabuurta, guryaha IWM. Mudane mas’uul sameey laba arin oo kala ah, wacyi galin shacab iyo in la dul dhiga amaro shacabka. Tusaale ahaan waxay u baahantahay bulshadu in laga wacyi galiyo in aysan wada dalacin muraayadaha baabuurtooda iyo waliba ineeysan shidin makeeyfka gaarigooda, lakiin maxay tahay sababta aan saas u leeyahay?

Sababtu waxay tahay marka uu qarax dhaca waxaan maqalnaa baabuur badan ayaa burburta oo ka agdhaw qaraxyada, ma ahan inuu gaaray qaraxa ee waxaa jiro awood kale ee aadan malaha ogayn. Tusaale ahaan marka uu qarax dhaco, culeeyska uu wato oowgeed wuxuu khasbayaa wixii baabuur u dhaw inuu sidii kubbad la aaryeeya kor u boodo waa hadii uu u shidanyahay mukeeyfka oo hadane muraayaduhu u wada dalcanyihiin ileen gaarigu meel aay hawada kabaxda malahan , sidaa darteed gaarigu wuu bur-burayaa lakiin haddii aad qayb yar u reebi lahayd oodan dalici lahayn muraayada gaarigu wuxuu heli lahaay meel aay hawadu ka baxda kana soo gasho, mana uusan burbureen gaarigaas. Waa mida labaade dowladu waa inay dul dhigtaa amara ah inaanan guryaha udhaw wadada Maka al Mukarama ama meelaha u jilicsan qaraxyada, waa inaan guryuhu lagu sameeynin muraayada kuwaas oo keeni karo hanti bur-bur ama iney muraayadahaas wax yeeleeyaan dadka ka agdhaw dhismahaas leh muraayadaha.

4) DOWLADU WAA INEEY SAMEEYSAA CIIDAMA UTABA BARAN LADAGAALANKA ARGAGAXISADA.

Argagaxisadu ma ahan wax ay cidkastaa la dagaalami karto ee waxay u baahantahay ciidamo khaas ah ee la dagaalamo. Qodabkan ayaa waxaa igu dhaliyay waxaa nasoo martay dhowr jeer markii uu qarax dhaca waxaa horba yimaado ciidamo police ah ama nabbad sugidda ama xitaa mar mar ciidamada xooga(military) kuwaas oo rasaas ooda ooga qaado dhamaan dadkii meesha ka agdhawaay, meeqa shacab ayaa Ku dhimatay rasaastaas? Meeqaa Ku curyaantay? Ciladuna waa ineeysan ciidankan u diyaarsaneyn ama u taba barnayn falalkan argagaxiso. Sidaa darteed masuul fadlan sameey ciidan khaas ah oo u taba baran la dagaalanka argagaxisada kuwaas oo lawareega aaga ay wax ka dhaceen kuwaas oo xitaa ka mamnuuca ciidamada dowladda ee qalabka sida iney yimaadaan meesha ay dhibtu ka jirta xiligaas. Mas’uul ma ahan wax la aqbali Karo in meel fal argagaxiso ka dhacday loo soo dira ciidama police ah ama military.

5) SAMEEYNTA WAZAARADA DHAQAN CELINTA IYO HUB KA DHIGISTA

Waxaan gabi ahaanba jirin wasaarad dhaqan celis, waliba xareeysa dhalinyarada laga soo qabta Al-shabaab ama ka towbad keena ficiladaas bahalnimo. Waa wasaarad mudan in la sameeya loona sameeya miisaaniyad sanadeed sida wasaaradaha kale ee dowladda.

Runtii aad ayeey u xanuun kulushahay in dhalinyaradii Soomaliyeed qayb badaha Ku haligmaan, qaybne argagaxisadu u adeeygsato qaraxyada , qaybtii soo hortayna la yiraahda waa la idin tooganaa oo Al-Shabaab ayaa tihiin, taas runtii ma aqbali karno ee dowladdu waxaan ka codsanayaa jooji toogashada dhalinyaradan awalba Al-Shabaab maskaxda ka xaday. Intii 100 dhalinyara ah la toogan lahay hala xareeyo oo haloo sameeyo dhaqan celin, hana loo fura sida macaahid farsamo iyo in labaro qaabka sirdoonka u shaqeeya lagana dhigo ciidama dowladdu leedahay kadib markii la xaqiijiya iney gabi ahaanba ka tanaasuleen fikirkaas bahalnimo.

Mahadsanid

W/Q: Mahad Xasan Cisman

Related Items


Leave a comment