Mohamed Farah oo la siin doono darajada ay bixiso boqoradda UK

Tuesday August 23, 2016 - 20:31:20
0 Comments
1689

Orodyahanka Mohamed (Moh) Farah ee heesta Dhalashada dalka Britain una dhashay Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in la siiyo abaal marinta darajada sare oo ay bixiso Boqarada UK loona yaqaano Knighhood.

Mo Farah ayaa marar kala duwan ku guuleestay billado badan ay ku jiraan Dahab. Ciyaaryahankan ayaa difaacday tartanka Orodka 10-ka kun mitir ee London 2012, isagoo Fursad weyn u heeysta inuu difaacdo biladiisa dahabka ah ee orodka 5-ta kun mitir maalinta axadda oo uu ordi doono.

Haddi orodyahankan ku guukeeysto tartanka 5-ta kun mitir, ayaa waxaa ka shiri doona gudiga isboortiga ee daroojinka ka dib geesinimadii uu tartamada ku soo bandhigay sida uu qoray Waegeyska The Times.

Gudigaan ayaa go’aanka ugu danbeeya iska leh laakiin waxaa la fahamsan yahay in Mohamed Farah loo magacaabi doono darajada ‘Sir’ marka la bixinayo darajooyinka sannadka cusub bisha December ee soo socota.

Related Items


Leave a comment