Caafimaadka iyo Isticmaalka Mobile-ka

Thursday September 01, 2016 - 21:15:57
0 Comments
2476
Sida la wada ogyahay tiknaloojiyada casriga ah waxa ay faa'iido wayn u leedahay aadamaha, laakiin haddana dhanka kale waxa ay tiknaloojiyadu wadataa dhibaatooyin badan ha noqoto mid caafimaad ama mid bulsho, sida ay sheegtay jariidada (Daily Mail) ee ka soo baxda dalka ingiriiska wiil u dhashay dalka shiinaha uu u sababay isticmaalka moobilka oo mugdi lagu isticmaalo indho la'aan.


Qofku marka uu mobilka ku isticmaalo mugdi afar saacadood oo xidhiidh ah muddo dhowr maalmood ah, waxa ay sheegeen khubarada caafimaadku inuu qofkaasi u nugulyahay indho la’aan.

Dhakhaatiir baadhitaanno ku sameeyay wiilka shiinaha ah ayaa waxa ay sheegeen in uu moobilka uu ku isticmaalay mugdiga u sababay dhaawac dhanka indhaha ah, isla markaana wiilkan ayaa waxa u aad u dhibsanayaa meelaha iftiinka.

Khubaro dhanka tiknalojiyada ah ayaa caddeeyay in tiknaloojiyada casriga ah sida computerka, mobilka iyo aaladaha kale ay halis ku yihiin caafimaadka indhaha, haddii aan laga taxadarin isticmaalka aaladahaas.

Sida ay sheegtay jariidada (Daily Mail) iyada oo soo xiganaysay dhaqaatiir ku xeel dheer caafimaadka indhaha, inay dhakhaatiirtu ka digeen sara u kaca arag yarida soo wajaha dhallinta isticmaasha taleefannada gacanta. Isla markaana waxa ay dhakhaatiirtaan sheegeen in ay sii kordhayso tirada dadka ka cabanaya xanuunnada indhaha kaddib isticmaalka aaladaha tiknaloojiyada casriga ah oo uu ugu horreeyo mobilku oo aad u badan.

Way jiraan qoraallo badan oo laga diyaariyay arintaan iyadoo lagu diraasaynayo xiriirka ka dhaxeeyo kansarka, xanuuno kale hadii ay jiraan iyo saameenta dhambaalada bir-qabadka leh ee taleefanda.

Inkastoo signals’ ka soo baxo taleefanada wireless-ka ku shaqeeyo la qiyaasayo in ay dhici karto in ay keenaan laba nooc oo kansar maskaxda galo oo la kala dhaho "Glioma iyo Acoustic Neuroma” laakiin illaa iyo hadda wax cilmibaaris lagu ogaaday ama hubaal loo hayo in moobeelada kansar laga qaado lama hayo, waana go’aanka ay hay’dda caafimaadka aduunka "WHO” ay ka gaartay gunaanadka baaritaanadaas oo idil.

khubarada caafimaad Dunida ayaa sheegay in baaritaano badan oo lagu sameeyay dhamaantood cadaynayaan inaanu telefoonka gacanta ee Mobile-ku halis ku ahayn aadamiga iyo caafimaadkiisa guud ahaan.

Warbixinta hayada caafimaadka aduunku ka diyaarisay dhibaatada telefoonada gacanta, ayaa laga diyaariyay baadhitaano lagu sameeyay Dad tiradoodu dhan tahay 2708 qof, kuwaas oo ku kala nool meelo kala duwan oo dunida, iyadoo dadkaa seddexda kun ee qof ku dhow, baaristooda gashay waaxda cudurada maskaxda iyo kansarka dhimirka ku dhaca u qaabilsan hay’ada caafimaadka aduunka, waxaana lagu ogaaday in Mobile-ku dhalin karo kansarka maskaxda ku dhaca.

Maalmo yar ka dib markii laanta jimciyada qurumaha ka dhaxaysa u qaabilsan caafimaadka ee WHO ay soo saartay daraasad caafimaad oo daaha ka rogaysa in telefoonka gacanta lagu qaato ee (Mobile)-ku uu sababo xanuunka kansarka gaar ahaan qaybtiisa maskaxda ku dhacda, ayaa kooxaha Khabiirada Caafimaadka kala taliya shirkadaha telefoonada gacanta iyo aaladaha kale ee Elegtarooniga sameeya dhexda ka qabsadeen warbixintii Hay’ada Qaramada Midoobay caafimaadka aduunka u qaabilsan ee (WHO).

Is burintan warbixinahan ayay dad badani walaac ka muujiyeen, waana markii ugu horaysay ee WHO iyo khubarada caafimaadku isku qabsadaan arrin la xidhiidha caafimaadka aadamaha. Isku soo wada duubo waxaa loo malaynayaa in talaabada khubarada ay ka danbayso arrin ganacsi maadama oo moobilada dunida lagu isticmaala xiligan marayaan halkii ugu saraysay tiradoodu aad u badanayso.mobile

Waxaa kaloo la baaray in mobeelada uu saameyn ku leeyahay shaqada wadnaha, hooyada uurka leh, dhinaca raganimada, hurdada iyo isbadalka niyada iyo fakarka qofka, iyadane baaritaano arintaas wax ku ool ah oo wax lagu dhisi karo lama hayo inkastoo ay socdaan baaritaano dhowr ah oo laga war sugayo wixii ka soo bixi doono arintaas.

Related Items


Leave a comment