Man City oo afka ciida u dartay Man United

Sunday September 11, 2016 - 07:30:58
0 Comments
1959

Man City oo Old Trafford ku soo dubatay kooxda ay ku coltamaan magaalada Manchester ee Man United kaddib markii ay uga adkaatay 2-1.Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa lagu kala nastay 2-1 oo ay ku hogaamineyso Man City.

Bilowga ciyaarta daqiiqadii 15-aad Kevin de Bruyne ayaa hogaanka u dhiibay Man City kubbad uu soo bilaabay goolhaye Bravo uu siiyay Kolarov oo isagoo daaficiisa jooga kubbad dheer soo tuuray waxaa madaxa ku wareejiyay da’yarka reer Nigeria Kelechi Iheanacho iyadoo u tagtay De Bruyne oo si qurxoon ugu hor qaatay daafaca Man United ee Blind dabadeena si sahlan shabaqa u dhex dhigay.

Laacibka reer Belgium ayaa ku lug lahaa 32-gool 46-kulan uu ka soo muuqday Man City dhammaan tartamada oo idil 17-gool iyo 15-caawin.

Man City ayaa ciyaarta inta badan gacanta ku heysay waxayna goolka labaad ka heshay wiilka reer Nigeria Kelechi daqiiqadii 36-aad kubbad uu laaday De Bruyne oo ku soo dhacday Birta ayuu si tartiib ugu taabtay.

Da’yarka reer Nigeria ayaa dhaliyay 9-gool 13- shuut uu goosha la bartilmaameesaday Premier League.

Zlatan Ibrahimovic ayaa neefta u soo celiyay Man United intaan la marin qeybtii hore daqiiqadii 42-aad kubbad uu khalad ku lahaa goolhaye Bravo oo isku dayay inuu qabto kubbada waliba boos uusan lahayn dabadeedna ka baxsatay waxaana laaday Ibra oo dhaliyay.

Goolhaye Bravo ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee Man City noqday Derby Manchester waxaana sidaa oo kale horey u sameeyay 8-laacib oo kale.

Labadii daqiiqo ee lagu daray qeybtii hore ee ciyaarta Man United ayaa heshay labo fursadood oo deg deg ah oo ay ku bar-bareyn kartay ciyaarta balse is dhaafsiisay.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 56-aad goolhaye Bravo ayaa khatar ku keenay Man City kaddib markii uu isku dayay inuu u gooyo mid ka mid ah xiddigaha Man United waxaana ka dheeraaday kubbada isagoo maqas ku qabtay Rooney sidaana ku bixiyay.

Daqiiqadii 70-aad Man United ayaa dhalisay gool Rashford ayaa la soo galay balse laadkii uu tuuray ayaa waxay sii taabatay Ibrahimovic oo offside ku jiray waana la diiday.

Daqiiqadii 74-aad De Bruyne ayaa birta ku dhuftay kubbad uu ka helay da’yarka cusub ee Man City Leroy Sané oo si caqli ku jira u siiyay.

Leroy Sané ayaa noqday laacibkii 10-aad ee uu kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League uu noqdo Derby Manchester.

Dhammaadka ciyaarta Man City ayaa isku dayaysay inay difaacato goolkeeda iyadoo bixisay De Bruyne oo weerar ah isla markaana keentay daafacooda Pablo Zabaleta halka Man United ay iyana dagaal ugu jirtay sidii ay u bar-bareyn lahayd ciyaarta, balse waqtigaa ku dhacay.

Related Items


Leave a comment