Ciyaartooy ka tirsan Kooxaha K/cagta ee Barzil oo shil Diyaaradeed ku geeriyooday

Tuesday November 29, 2016 - 17:42:23
0 Comments
2832

Diyaarad Siday 81 qof oo ay ku jiraan koox ka tirsan K/Cagta ee dalka Brazil ayaa shil ku gashay kuna burburtay  magaalo ka tirsan dalka Colombia.

Wararka horudhaca ee laga helayo shilka Diyhaaradaasi ayaa sheegaya inay ku geeriyoodeen  76 qof, ayna ka badbaadeen 5 qof oo keliya, waxaana dadkii shilkaasi ku geeriyooday ka mid ahaa kooxdii ka socotay K/cagta ee dalka Barazil.

Koxda dalka Barzil shilkan Diyaaradeed ku geeriyootay ayaa la sheegay inay qorshahoodu ahaa inay  maalinta beri ah Ciyaaraan, una tartammaa Koobka Kubadda Cagta ee Qaaradda  Koonfurta Ameerika  balse ay musiibadan ku qabsatay shilkaasi xilli ay ku wajahanaayeen halkii Ciyaartu ka dhici lahayd ee dalka Colombia.

Warka wuxuu intaa ku daray in shilkaasi naxdinta leh oo ay ku geeriyoodeen mid ka mid ah Kooxaha K/Cagta ee Barazil awgii uu xiriirka  Kubadda Cagta ee Konfurta Ameerika uu laalay dhamaanba wixii tartan ciyaar ahaa ee uu Xiriirku u qorsheysanaa.


Related Items


Leave a comment