Wiil Somali oo waareer ku qaaday Jamacada Ohio

Tuesday November 29, 2016 - 18:17:40
0 Comments
1548

Laamaha amaanka Gobolka Ohio State ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Jaamacad ku taala Magaaladaas uu geystay muwaadin Soomaliyeed, islamarkaana uu adeegsaday mindi.

Abdul Razak Cali Cartan oo ah Soomaliya Mareykan kaasoo ku noola dalka Mareykanka tan iyo 2007, ayaa sida la sheegayo dhaawacay kow iyo toban qof Isniintii kahor intaan la dilin sida booliska ay sheegeen.

Wuxuu gaariga ku dhuftay dadka lugaynayay xarunta jaamacada Columbus Gobolka Ohio State ee dalka Mareykanka isagoo jiiray qaar ka mid ah dadka ka hor inta uu ka soo baxin gaariga oo mindi ku weerarin qaar ka mid ah dadka kale sida booliska sheegeen.

"Dhaawacyada waxaa ka mid ah tooreyn, dhaawac kasoo gaaray baabuurka iyo dhaawacyo kale oo la qiimeeynayo” iyadoo "xaqiiqooyinka weli la xaqiijin,” ayay jaamacada OSU ku sheegeen war qoraal ah oo lasoo dhigay barta Twitter-ka.

Sarkaalka ilaalada ee OSU Alan Horujko, ayaa markii danbe toogtay Cartan, sida ay sheegeen saraakiisha. "Waxa ay ka caawisay sarkaalka inuu meel sax ah waqtiga saxda ah joogay, isagoo awooday inuu arko waxa dhacayay oo dhan islamarkaana qaaday talaabo deg deg ah,” ayuu ku sheegay shir jaraa’id Taliyaha Bilayska Columbus Kimberley Jacobs.

Related Items


Leave a comment