Dhibaatada Cunidda Hilibka Doofaarka

Tuesday April 25, 2017 - 15:43:30
0 Comments
2309
Inkastoo ay Soomaalidu cunin hilibka Doofaarka haddana waxaan soo bandhigeynaa waxyeerlada uu caafimaad ahaan u leeyahay Bini'aadamka.

Marka hore aan eegno waxa ay Culumada Saynisku iyo Cilmi-baarayaasha Sayniskuba ka yiraahdeen cunista hilibka Doofaarka (Khinsiirka), Cilmi baarayaashu waxay sheegeen in cunista hilibka Doofaarka ama Khinsiirku sababto xanuuno 70 kor u dhaafaya ooo kahatar ah , xanuunada ugu darana waxay saameeyaan Xiidmaha, xitaa hadaad si wanagsan u kariso Hilibka Khinsiirka ma dhimanayayaan ugxanta iyo ukumaha ku dhex jiraa, Marka ay cuntadu shiidantana waxay raacayaan Qulqulka dhiiga oo waxay ku faafayaan dhamaan Unugyada dhiiga iyagoo u sii gudbaya Xubanaha muhiimka ah sida Indhaha oo sababi kara Indho la’aan, ama wadnaha kuwaa soo sababaya xanuunada Wadnaha ama Maskaxda oo sababi kara xanuunada ku dhaca Maskaxda.

Cilmi baarayaashu waxay sheegeenin cunista badan ee Khinsiirku keeni karto Dhiig-kar (hypertension) waana sababta ay 50% dadka ku nool Wadanaka Mareykanku uu ugu dhaco xanuunka dhiig karka, sababtoo ah aad bay u cunaan Hilibka Doofaarka ama Khinsiirka, Saynisyahanu waxay kaloo sheegeen in Xayawaanka ugu najaasan uguna wasakhda badani yahay Doofaarka ama Khinsiirka iyadoo aad ku arkeyso meel walba oo rasan (aan nadiif ahayn), Saynisyahanu waxay kaloo sheegeen in Xayawaanka ugu akhlaaqda xun (ugu xishoodka xun) uu yahay Khinsiirka!.

Peace Tv wuxu kamid yahay Tvyada ugu waaweyn ee Muslimiinta, waxana Barnaamijyada ka baxa Tv-gaasi ka soo qeybgala dadyow aaminsan diimo kala duwan, iyagoo Culimada weydiiya Su’aalaha ay qabaan kuwa islaamka la xiriira iyo kuwo aan la xiriirnba, waxaana ka mid ah Culiimada ka howlgala Telefishinkaasi Dr Zakir Naik, waxa su’aalo weydiinaya Gabar Masiixi ama Gaala ah, waxayna weydiisay 2 suaalood oo kale ah:-Muxuu yahay Micnaha Erayga Haraam (Xaaraam) ? iyo maxay tahay Sababta ay Diinta islaamku u xaraaantinimaysay cunista hilibka Doofaarka ama Khinsiirka ?

Dr Zakir ayaa Bilaabay inuu ka jawaabo suaasha Gabadha wuxuna yiri sidaan:
jawaabta Su’aasha Koowaad waa:-Haaraam waxa laga wadaa ma banaana yacni lama samayn karo.
Jawaabta Su’aasha 2aad: Marka aynu dooneyno in aan ogaano shey ama wax (wuxu rabo ha haatee) waa inaan u laabanaa Qaacidooyinka iyo waxa ku qoran Kutubta aynu rumaysanahay.

Kitaabka Gaaladu rumaysantahay waa "BIBLE” Kitaabka islaamku rumaysanyahayna waa "QUR’AN”, Marka aynu akhrino Kitaabka Qur’anka waxaynu 4 Meelood oo kala duwan Qur’anku leeyahay "Khinsiirku waa Xaaraan”,wuxu allah ku yiri quraankiisa Suurada Al-Baqarah, Juzka 2aad, Aayada 173, Suurada Al ma’idah Juska 5aad aayadda 3aad, Suuradda Al’ancaam Juzka 6aad aayadda 145 iyo Suuradda Al Naxl Juzka 16aad aayadda 115 ” Wuxuu uun idinka reebay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii Eebe magiciisa waxaan ahayn lagu gowroco”, sidaas si la mid ah waxa Kitaabka "BIBLE”ka sadex meelood oo kala duwan kaga qoran in "Khinsiirku yahay xaaraam”.

Buugga la yiraahdo Book of Leviticus, Juska 11aad, Ayadda 7 "Ha cunina, afkiinana ha saarina Khinsiirka, ma ahan nadiif oo waa idiiin najaas” Aayada 8aad "Waa in aadan cunin ay hilibka Khinsiirka, baqtigoodana aydinaan taaban waayo waa idinka najaas”, sidaas si lamida Book of Deuteronomy Juzka 14aad aayada 8aad wexey leedahay ” Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay waa nasaas calyanaqsada markuu raamsanayo, sidaais daraadeed nadiif idiinma hee waa idinka nijaas, oo waa inaydaan cunin hilibkooda, ama taaban bakhtigooda”

Sidoo kale Buugga kale ee la yiraa Book of isaiah Juska 65aad, aayadaha 2-5 axay sheegayaan "inana la cunin hilibka khinsiirka”, sidaas si lamid ah gospel of matthew Juska 5aadaayadaha 7-20 waxa ku qoran in Nebi ciise yiri "Ha u malaynina inaan u imid inaan baabi’iyo sharciga ama qorniintii nebiyada, Anigu uma aan imanin inaan baabbi’iyo, laakiin waxan u mid inaan wada oofino”, "Sidaasi darteed kii jebiya mid ka mid ah qaynuunnadan kuwa ugu yar iyo dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara iyaga loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada”, micnaha Janno mageli doono midka jebiya mid ka mida sharciyada ugu yaryar ee hadalka eebe.

Sidaa darteed Hadii aad tahay Christian (GAAL) oo aad rumaysatahan BIBLE ka Khinsiirku waa kaa xaaraam, Laguuma ogola inaad Cunto, siudoo kale haddii aad tahay Muslim oo aad rumaysatahay QUR’ANKA Khinsiirku waa kaa xaaraam, Laguuma ogola inaad Cunto.

Qallinka: C/laahi Ruush

Related Items


Leave a comment