DAAWO: Joshua oo ka badiyey Klitschko

Sunday April 30, 2017 - 17:24:03
0 Comments
1941
Cayaartan oo ah feerka miisaanka culus ayaa garoonka Wembley ku dhex martay Anthony Joshua oo Britain u dhashay iyo Wladimir Klitschko oo mar haystay horyaalka feerka miisaanka culus, una dhashay Ukraine.

Wareeggii 11aad ayaa Klitschko markii 3aad dhulka la dhigay, ka dibna waxaa la joojiyey cayaarta, markii inta uu istaagay uu misna dhacay. Anthony Joshua ayaa sidaas ku difaacday suunkii uu haystay ee IBF, wuxuuna sidoo kale gacanta ku dhigay WBA iyo IBO oo ah suumanka feerka miisaanka culus kuwa ugu sarreeya.

Wladimir Klitschko oo 41 jir ah ayaa sidan u sheegay Sky Sports "ninkii ugu wanaagsanaa ayaa caawa guulaystay, waxayna ahayd dhacdo ku weyn feerka. Laba akhyaar ayaa dagaallamay. Anthony ayaa maanta fiicnaa. Waa murugo in aanan caawa guulaysan. Waxaan qorshaynayey in aan guulaysto, balse ma aysan dhicin. Laakinse xushmad badan ayaan u hayaa Anthony. Hambalyo” ayuu yiri Klitschko.

Joshua ayaa isna Sky Sport la hadlay. "Maxaa kale oo aan oran karaa? 19-0, 3 sano iyo bar aan cayaarta ku soo jiray. Sidii aan hore u iri, ma dhamaystirni, laakin waan dadaalayaa, haddii aadan ka qayb qaadanna waa guuldarraysanaysaa. Sida uu feerku dhigayo, qabkaaga irridda ayaad uga soo tagaysaa, waxaanad xushmaynaysaa qofka kaa soo hor jeeda. Sidaa darteed waxaan si weyn u xusayaa Wladimir Klitschko” ayuu yiri

Isagoo weli aan ka degin xayndaabkii cayaarta ayuu Anthony Joshua oo 27 jir ah farriin u diray Tyson Fury oo isna hore uga badiyey Wladimir Klitschko 2015, isagoo ka dalabaday inay wada cayaaraan.

90,000 oo qof ayaa fadhiyey garonka Wembley oo cayaarta daawanayey, halka malaayiinna ay TVyada kala socdeen.


Source: Astan Sports

Related Items


Leave a comment