Dhallinyarada maanta waxaa la gudboon in ay qaataan doorkii SYL.

Monday May 15, 2017 - 17:44:50
0 Comments
1814

Markii u horeysay ee dhallinyaro  Soomaali ah ay  ka caroodaan falalkii ama dhibaatooyinkii ay la yimaadeen  gumeysiga cusub ee reer Yurub waxay aheyd sanadkii 1884-tii oo la baneystay qeybsiga  qaaradda Afrika,taasina waxa ay sababtay in dadku ay u istaagaan  sidii meesha looga saari lahaa quwadaha shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano gaar ah,iyagoo oo  adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii .

-Dhalinyarada oo ah xoogga ama cududda bulshada ,ayaa xilligaasi  dareemay tabihii iyo xeeladihii ugu horeeyay ee ay la soo baxaan  gumeysiga cusub ,waxayna u howlgaleen sidii lagu raaadin lahaa awood mideysan oo lagula dagaalamo cadawga shisheeye ,waxayna ku dhawaaqeen urur loogu magac-daray Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii,kaas oo 1947-dii  isu badalay SYL ururka xoreynta dhallinyarada soomaaliyeed .

Dadka Soomaaliyeed oo lagu tiriyo kuwo aad u neceb gumeysga ,isla markaana awood iyo karti u leh in ay la dagaalaman nuucyada cadowga gumeysiga ,waxa ay gacan dhaqaale iyo xoogba kula safteen dhallinyarada oo waqtigaasi  u oomanaa in ay shacbiga ka dulqaadaan kuwa dhiigmiiradka ah ee u soo tafa-xeytay ama ku soo qamaamay  in ay sii joogteeyaan qaadashada   kheyraadka gudaha dalka.

Dhallinyaro Soomaaliyeed  oo ay hogaaminaayaan 13-xubnood  oo badankoodu ahaa kuwo wax bartay oo shaqaale ah ayaa xil iska saaray sidii loo heli lahaa xornimo taam ah,isla marlaana dalka looga saari lahaa gumeysiga caddanka ah,waxayna muddo kooban kadib ku guuleysteen in ay awoodooda ku baahiyaan gudaha dalka ,isla markaana xafiisyo iyo laamo kale ka furtaan gobolada  Dalka soomaaliya,iyadoo sidoo kale ururo dhallinyaro oo matalaya shacabka ay ka furmeen gobolada Woqooyi Galbeed taasoo gabagabadii sababtay in ay bilowdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo bulsho oo lagu raadinaayo masiirka iyo aayaha dadka iyo dalka.

15-a bisha May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii xisbigii gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii  ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan ama kifaax adag oo loo soo galay hanashada xoriyadda Soomaaliya, waxaana xilligaan waajin ah in dhallinyaradu ay ku daydaan dhallinyaradii SYL

Haddaba, madaxweynaha JFS mudane Maxamed c/laahi Farmaajo iyo R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaca shacbiga Soomaaliyeed iyo maamulada dowlad goboleedyada dalka ,ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan munaasabadda sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururuka aawadeed u diray guud ahaan ururada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha dalka.

Madaxdaasi waxa ay  xirmooyin ubax ah dul-dhigeen taalooyinka  xusuusta leh sida  dhismaja SYL iyo kuwa ku yaalla gobolada dalka ,tallaabadaasina waxa ay  muujineysaa  sida  mar kale ay diyaarka  ugu yihiin ka qeybqaadashada xusuusta dadka waxgalka ah ee u soo halgamay dalka.

Ka qeybgalka munaasabadaha dhallinyarada ee xagga  Madaxdaasi waxa ay dhiirrigelin u tahay  niyadda da’ yarta xilligaan maaddaama lagu tiriyo iney yihiin kuwo udub dhexaadka  u ah ummadda,dalkana gaarsiin kara horumar buuxa  oo dhinacyo badan,iyagoo dhallinyarada ku boorriyay iney u sare kacaan difaaca dalka,gaar ahaan la dagaallanka kooxaha nabad diidka ah ee carqaladda ku ah xasilooni ka hanaqaadda dalka

Dal kasta waxa uu ku faano ama horsed ka ah horumarkiisa waa dhallinyarada oo haddii la waayo jiilasha yaryar ee u soo koraya ay macnaheedu tahay bulsho ku sifowday dayac ka muuqda waxyaabaha  lagama maarmaanka u ah baahida umaddu u qabto  difaaca iyo ilaalinta dadka iyo dalka.

Dad badan oo ay hormuud ka yihiin dhallinyaro  ayaa  naftooda ku waayeen halgankii iyo kacdoonkii ay u soo galeen xoriyad ka hanaqaadda dalka,halka kuwo bandanna uu soo gaaray  dhaawacyo,waxaana intaa dheer qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysi cadow ah iyo dad daba-dhilif ah oo u shaqeynaayey.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dareemaan doorka ay ku leeyihiin geeddi socodka loogu jiro barnaamijyada horumarineed ee dadka iyo dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta umadda iyo raadinta qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay ururka dhallinyarada SYL ,isla markaana aqoontooda iyo kartidooda ay ugu shaqeeyaan ummadda,ayna xilli kasta la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Related Items


Leave a comment