Ugaas Cumar Geelle Mohamed ayaa tacsi u diray Ehelkii & Qaraabadii uu ka tagay AUN Marxuum Fiqi Bashiir cabdulle Cismaan Codweyn oo ka mid ahaa Ismadda Soomaaliyeed gaar’ahaan kuwa ka soo jeedaa Deegaannada Puntland oo shalay ku geeriyooday dalka Sweden.

Marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle ayaa Ugaasku Alle uga Baryey in uu jannatul Firdowsa ka waraabiyo Ehelkii & Qarabadii samir & iimaaan Alle ka siiyo.
Ugu danbayntii wuxuu Ugaasku Shacabka reer Puntland & Qoyskii Ehelkii uu ka tagay la wadaagayaa Xanuunka Geerida naxdin leh ee ku timid Allaah ha u raxmee Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan,wuxuuna Ugaas Cumar Geelle Alle Uga Baryey Danbigiisa in uu dhaafo.
Ugaas Cumar Geelle oo ku sugan dalka Uk ayaa sheegay in uu aqoon dheer u lahaa Marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan,wuxuuna sheegay in ay ka soo wada shaqeeyeen wax barashada Soomaaliya dowladdii kacaanka, wuxuuna Ugaasku sheegay in uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan.
Waxaa tacsi taa la mid ah dirayaa dhamaan shaqaalaha & Hawl-wadeenada war-baahinta radiosyl, waxayana lee yihiin Ilahay Jannatul firdowsa haka waraabiyo marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan Codweyn.
Aaamiin Aaamiin
Leave a comment