Laacibka Neymar oo ku biiray kooxda Paris St-Germain

Friday August 04, 2017 - 18:07:29
0 Comments
2418
Kooxda Paris St-Germain ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay laacibka u dhashay Brazil ee Neymar, oo ay 200 oo milyan oo Pound ka siisatay kooxda Barcelona.

25 jirkan ayaa noqday laacibka ugu qaalisan caalamka, rikoorkaasi oo uu haystay Paul Pogba oo u dheela Manchester United. Neymar ayaa sanadkii qaadan doona lacag dhan 40.7 milyan oo Pound ka hor inta aan canshuurta laga jarin.

Tababaraha kooxda Barca, Ernesto Valverde, ayaa Arbacadii u ogolaaday Neymar inuu mustaqbalkiisa go’aan ka gaaro, waxaana markaa ka dib bilowday hadal-haynta ah inuu ku biirayo kooxda PSG.

Neymar ayaa la sheegay inuu yahay laacibka keliya ee lacag ka badan tan mushaarkiisa ka hela xayaysiinta uu sameeyo. Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyo ayaa waxaa ka mid ah Nike, Gillette iyo Panasoni.

Related Items


Leave a comment