Xog: Madaxweyne Gaas oo Dhawaan Ku Dhawaaqaya Golaha Xukuumadda Cusub

Sunday August 06, 2017 - 17:31:33
0 Comments
1701

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu wadaa in 36 saac ee soo socda uu ku dhawaaqo liiska gollaha wasiiradda ee xukuumadda Puntland. Madaxweynaha ayaa soo afmeeray kulamo geddisan maalmihii u dambeeyay la yeeshay qaar ka mid ah golihii wasiiradda ee xasaanada lagala noqday iyo musharixiin cusub.

Warbaahinta Horseed Media ayaa ogaatay in Madaxweynaha Puntland uu dib u soo celin doono inta  badan golihii wasiiradda ee baarlamaanku kalsoonida kala laabtay, waxaa dhici karta in ay ku soo biiraan dhawr wasiiro iyo ku xigeeno kale.

Wasiirada Wasaaradaha Loo bedelay

Wasiirada la hadal hayo in wasaaradahooda laga beddalay waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cali Cismaan (Karaash) Wasiirka Hawlaha guud Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Wasiirka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Axmed iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdijamaal Maxamed Cismaan.

Wasiiradda Caafimaadka, Waxbarshada, Haweenka, Degaanka, Beeraha, Ganacsiga, Dastuurka, Shaqada iyo shaqaalaha, Dekedaha iyo Warfaafinta  waxaa la filayaa inuu Madaxweynuhu sidooda u deyn doono.

Waxaa jira warar soo gaarey Horseed Media oo sheegaya in qaar kamid ah Wasiiradii hore ay xilkooda weyn doonaan waxaana kamid ah Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo garoomadda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Amniga, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Awqaafta. Wasiirka Caddaalada Saalax Xabiib Jaamac iyo Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in khilaaf kala dhex galay dartiis uu sabab u noqdey in uu mugdi galo dib u soo noqoshadiisa, waxaana habeneedii u danbeysey socdey waan-waan lagux alinaayo khilaafkaas, sida Horseed ka ogaatey Madaxtooyada Garoowe.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka mid ah Wasaaradaha ugu muhiimsan ayaa waxaa ku tartamaya murashixiin kala duwan, ma cadda cidda qaban doonta, wasaaradda waxaana warar sheegayaan in uu qaban doono qofka uu ku bedasho Madaxweynuhu Wasiirkii hore ee duulista garoomada Xasan Xaaji Siciid (Xasan cadde) oo aad loogu badinaayo in aanu ka soo dhex muuqan golahan cusub. Waxaa jira warar ku soo dhacay warqabadka Horseed oo sheegaya in Wasiirkii Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh qudhiisa ay suurta gal tahay in uu ka cudurdaarto in uu qabto Wasaarad kale haddii laga beddalo midda uu hadda hayo ee Maaliyadda.

Wararku waxay sheegayaan in tirada golaha cusub ee Wasiirada aysan waxba iska beddeli doonin, waxaa dhici karta in Wasaaradaha qaarkood aan Wasiir loo magacaabin oo gadaal laga magacaabo, si indhaha shacabka loo tuso in tirada wasiirada wax iska beddeleen, kuwaas oo horey u ahaa kuwo ku dhaw 60 Wasiir.

Muddada Dastuurku siinaayo Madaxweynaha ayaa ku eg maalinta Isniinta, waxaana lagu wadaa in uu maalinta Axadda gelinkeeda danbe ama Isniinta ku dhawaaqo.

Golihii Wasiirada ee Madaxweyne Gaas ayaa baarlamaanku hal mar kuligood kalsoonida kala noqdeen 18 Luuliyo, sababta ayey ku sheegeen wax ka qabasho la’aan amniga iyo dhaqaalaha ah, inkasta oo la aaminsan yahay in Xildhibaanadu sidaas u sameeyeen in ay ciriiri geliyaan Madaxweynaha oo ay isku qabteen lacagtii Shirkadda DP World Puntland hormarinta u siisey oo gaareysey $15 Milyan, mid kamid ah Xildhibaanada Puntland oo la hadley Radio Garoowe ayaa kashifey in ay qaateen Xildhibaanada Baarlamaanku lacag gaareysa $2milyan oo Dollar, si ay u meel mariyaan heshiisyadii Madaxweynuhu soo galey, xukuumadda la dhisaayona aysan dib u celin, arrintan oo weji gabax ku ah Xildhibaanada, Madaxweynaha iyo weliba Shirkadda DP World.

Horseed Media

Related Items


Leave a comment