Taarikhda Uhuru Kenyatta oo kooban

Saturday August 12, 2017 - 16:18:53
0 Comments
2097

Doorashadii hore, Kenyatta waxa uu wajahayay maxkamada dambiyada caalmiga ah ee ICC waxaana loo haystay dacwado la xiriira xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Arrimuhu iminka si wayn ayay isu badaleen.

"Waxa ay noo sheegeen in caalamka ay naga dheeraan doonaan, laakiin maanta ma jiro waddan dunidda ka tirsan oo ka baaqsanaya in uu la kulmo madaxweynaha jamhuuriyadda Kenya”.

Doorashadan tii ka horreysay dowladaha UK iyo Maraykanka ayaa Kenyanka uga digay in howluhu aysan sidii hore ahaan doonin hadii Mr Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, oo wajahahaya dambiyo ka dhan ah aadanaha xilka loo doorto.

Maraykanka ayaa waxa uu markaasi ka digay "in natiijada doorashada ay yeelan karto cawaaqib ” halka dowlada Britain ay ka digtay in xiriirka Kenya uu noqon doono mid hoos loo dhigo ".

Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii soo booqday Kenya

Iyadoo ay sidaasi ahayd ayaa haddana doorashadii Kenyatta ka dib ,dalka Kenya waxa uu noqotay wadan muhiim ka ah saaxada caalamka.

Wadankan ku yaalla bariga Afrika ayaa waxa uu saaxib dhaw la yahay quwadaha reer galbeedka ah,gaar ahaan marka ay timaado dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya, waqti badana ma aysan qaadan in hogaamiyayaasha reer galbeedka ay go’aansadaan in istaraatijiyadooda dhaqaale iyo midda ammaan iyo guud ahaan danahooda in ay ka muhimsan tahay madaxtinnimad Kenyatta.

Intii uu madaxwaynaha ahaa ayaa Kenyatta waxa uu marti galiyay dhowr shir oo caalami ah waxaana dalka soo booqday hogaamiyayaasha calamka oo ay ka mid yihiin madaxwaynihii hore ee Maraykanka Barack Obama iyo wadadka ugu sareeya madhabta kaatoliga ee Pope Francis.

Guulaha kale ee uu gaaray Mr Kenyatta dhanka dublamaasiyadda ayaa waxaa ka mid ah, in uu abaabulay hogaamiyayaasha Midowga Africa si ay cadadis u saaraan maxkamadda ICC oo ay ugu hanjabeen in ay ka baxayaan maxkamadad hadii aysan tuurin kiiska ka dhanka ah Kenyatta iyo ku xigeemkiisa Ruto.

Kiisaskii ka dhanka ahaa Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa la tuuray ka dib markii al waayay caddaymo, inkastoo maxkamadda ICC ay sheegtay in dadkii makhraatiga ahaa loo caga jugleeyay waxa ayna maxkamaddu sheegtay in kiiska dib loo cusboonaysiin karo.

Waa kuma Uhuru Kenyatta?

Waxa uu dhashay 1961, waxa uuna noqday madaxwaynihii ugu da’da yaraa ee Kenya soo mara.

Waxa uu isku tilmaamay madaxwaynihii fahansanaa casriga dunida.

Waxa lagu eedeeyay in uu agaasimay weeraro lagu qaaday taageerayaasha Raila Odinga ka dib doorashadii 2007 .

Waxa uu diiday dacwadahaasi ,waxa uuna sheegay in ay yihiin shirqool ay soo maleegeen reer galbeedka.

Waa wiil uu dhalay madaxwaynihii ugu horreeyay ee dalka, Jomo Kenyatta.

Wa mid ka mid ah dadka ugu hantida badan Kenya ,sida ay sheegtay jariirada Forbes magazine.

Madaxwayne Digital ah

Afar sano ka hor Mr Kenyatta ayaa waxa uu ku shabadeeyay , Raila Odinga oo xiligaasi la tartamayay imikana tartanka kula
jira in uu yahay mid ay wataan dowlado shisheeyay.

Waxa uu Kenaynka ugu baaqay in ay diidaan Mr Odinga ayna difaacdaan madaxbananidooda.

Fariintan ayaa xoojisay gundhigiisa gaar ahaan isaga oo taageero ballaaran ka helay qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Kikuyu
iyo qowmiyada uu ka soo jeedo Mr Ruto ee Kalenjin, taasi oo oo horseeday in ay guulaystaan.

Waxa uu sidoo kale siyaasiyiinta rug cadaaga ah ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan la socon tiknoojiyada casriga ah sida Mr Odinga, oo imika jira 72 sano, waxa uuna sheegay in ay tahay in awooda ay ku wareejiyaan dhalinyarada jiilka tiknoolajiyada.

Mr Kenyatta waa nin kaftan badan,firfirccoon islmarkana daggan,waa nin saaxib wanaagsan ah islamarkana si firfircoon waxa ayna taageerayaashiisa sheegeen in uu yahay madaxwayne bulshaawi ah .

Haseyeeshee intii uu xilka hayay ayaa dadka dhaliila waxa ay ku eedeeyeen in Mr Kenyatta uu xaddiday xorriyatul qowlka.

Dowladiisa waxa ay ansixisay sharci loo arko in uu yahay mid afka qabanaya xorriyada saxaafada.

Sanaddii 2016, saxafi ka tirsan wargayska Daily Nation, oo ah wargayska ugu wayn Kenya ayaa shaqada laga cayriyay ka dib markii uu ka qoray warbixin ka hadlaysa waxqabadka dhanka dhaqalaha ee madaxwaynaha.

Gaddo, oo sidoo kale ka mid ah dadka sameeya kaartuunada ama sawir gacmeedyada ayaa isna la sheegay in shaqada laga cayriyay ka dib markii uu sameeyay kaartuun muujinaya madaxwaynaha oo ah kubad ku jirta silsilad taasi oo ka turjumaysay dacwaddii maxkamada ICC.

Dhanka dhaqaalaha su’aasha taala ayaa waxa ay tahay : xaaladda Kenyanka ma ka xun tahay sidii ay ahayd 2013?

Iyada oo ay jirto in kobaca dhaqaalaha uu gaaray boqolkiiba 5 muddo sanad ah tan iyo intii uu qabtay xilka ,islamarkana ay sare u kacday maalgashiga Kenya, ayaa Kenyaan badan waxa ay sheegayaan in aysan dareemin saamaynta dhaqaalahaasi.

Gabaabsi dhanka galayda ah iyo qiimaha cuntada oo sare u kacay ayay dowlada Kenyatta ay la daalaa dhacaysaa.
Galay dibadda dalka laga keenay ayaa waxay dabooli waayday gabaabsiga dhanka galayda.

Waxa sidoo kale dowladiisa lagu eedeeyay inay lacago xad dhaaf ah soo deensatay ,taasi oo lagu qiyaasay in xitaa ay ka badan tahay marka la isu geeyo dowladihii ka horeeyay lacagihii ay soo deensadeen tan iyo xorriyadii.

Deemaha lagu leeyahay Kenya ayaa hadda gaartay $26 bilyan.

Mr Kenyatta, ayaa dhankiisa ku dooday in lacagahani lagu maalgaliyay kaabayaasha dhaqaalaha sida khad tareen oo isku xira

Nairobi iyo Mombasa ayna maalgaliyeen Shiinaha islamarkana ay ku kacday 3.2bilyan oo doolar.

Kenyatta waxa uu sheegay $3.2bilyan ee lagu maalgaliyay khadka Tareen ay sare u qaadayso dhaqaalha

Musuqmaasuqa

Mr Kenyatta ayaa markii uu awooda la wareegayay waxa uu balanqaaday in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa,hasa yeeshee John Githongo oo u ololeeya la dagaalanka musuqmasuqa ayaa sheegay in maamulka Kenyatta uu yahay kii ugu musuqmaasuq badnaa taariikhda dalka.

Warbixintii ay soo saartay 2016 hay’ada caalamiga ah, Transparency International ayaa waxay Kenya dhanka musuqmaasuqa ka gashay 145 waxaana qiimaynta lagu sameeyay 176 dal.

Warbixinta ayaa Kenya ku eedeeysay wax ka qabasho la’aan iyo hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa oo aan si wanaagsan u shaqaynayn, waxaana la sheegay in shaqsiyaadka lagu helo musuqmaasuqa oo aan la ciqaabin ay tahay caqabada ugu wayn.

Kenyatta ayaa sheegay in dadaalkiisa la dagaalanka musuqmaasuqa ay minja xaabiyeen maxkamadaha oo si gaabis ah ku wada maxkamadaynta iyo gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa oo uu sheegay in aysan firfircoonayn.

Sannadii 2015, Kenyatta ayaa tillaabo qaaday waxa uu shaqada ka joojiyay islamarkana uu xilka ka qaaday shan wasiir iyo saraakiil sarsare oo kale oo lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.

Wasiir kale ayaa sidoo kale is casilay ka dib markii uu cadaadis kaga yimid dadwaynaha.

Dadka u ololeeya la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegaya in uu sare u kacay tan iyo intuu xilka qabtay madaxwayne Kenyatta

Safarkiisa dhanka siyaasadda

Maadaama oo uu yahay wiilka ninkii dhidibada u aasay Kenya, Uhuru wuxuu leeyahay magac, hanti iyo miisaan.
Aabihii wuxuu ahaa madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalka Kenya.

Markii uu carruurta ahaa ee uu soo korayay ayaa Kenyatta wuxuu ahaa mid ka leexleexda siyaasada, waxa uuna doonayay in uu ahaado nin caadi ah oo ka mid ah bulshada Kenya.

Maadaama uu ahaa wiil ka soo jeeda qoys qani ah islamarkana awood leh wuxuu wax ka bartay mid ka mid ah iskuulada ugu wanaagsan Nairobi, waxa uu sidoo kale tacliinta sare ka soo dhigtay koleejka Amherst ee ku yaalla Maraykanka wuxuuna bartay siyaasadda, sayniska iyo dhaqaalaha.

Kenyatta ma laha hibo dabiici ah oo uu dadwaynaha isu soo baxa uu kula hadli karo, balse waxa uu leeyahay cod xoog badan islamarkana waa mid wax qancin kara marka uu hardanka siyaasadeed ku jiro.

Waxa uu ku hadlaa luuqadda qoomiyadiisa Kikuyu taasi oo u suuragalisay in uu xiriir la sameeyo dadka ku nool tuulooyiinka fogfog oo uu luuqadaas ku hadla.

Waxa ay jecelyihii in ay ugu yeeraan "Kamwana”,oo macnaheedu tahay "wiilkii dhallinyarada ahaa ” waxa uuna galay taariikhda 2013 markii loo dhaariyay madaxwaynihii ugu da’a yaraa ee Kenya soo mara.

Madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Moi ayaa soo gacan qabtay islamarkaasna ka dhigay ninka badalaya 2001, taasi oo ahayd go’aan horseeday mucaaradad kaga timid xisbigii talada hayay ee KANU, xubna ka tirsanaa xisbiga ayaana ku biiray mucaaradka iyaga oo dhisay isbahaysi lo oran jiray National Rainbow Coalition oo ku guulay doorashadii 2002.

Kenyatta oo ku andacooday 2013 in uu yahay madaxwaynaha tiknoolajiyada casriga ah 2013 ayaa waxa uu calaamad u ahaa
dhallinyarada iyo in dalku uu gaaro hamigiisa ah in uu noqdo hormuudka tiknoolajiyada ee qaaradda Afrika.

Madaxwaynihii hore Moi ( Midig) oo siyaasada ku dhiirigalinay Uhuru Kenyatta oo dhalinyaro ah

Waa milkiile dhanka warbaahinta ah

Jariidadda Forbes Magazine oo ka faaloota arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegtay in Kenyatta uu yahay ninka 26aad ee ugu hantida badan qaaradda Afrika ,waxaana hantidiisa lagu qiyaasay $50 oo milyan.

Sidoo kale qoyska Kenyatta waxay leeyahiin qaar ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Kenya sida talafishinka K24, iyo tiro idaacado ah.

Xigasho : BBC Somali

Related Items


Leave a comment