Deegaanka Xaarxaar oo horumar balaaran ka socdo (Sawiro)

Monday August 14, 2017 - 19:09:41
0 Comments
46363
Deegaanka Xaarxaar oo 30 KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Burtinle ayaa waxaa uu yahay deegaan aad mihiim ugu ah dadka degan. Waxaa dhawaan laga hirgaliyey ceel biyood kaas oo haqab tiri doona baahida biyo la'aanta oo deegaanka saamayn wayn u gaysata. Sidoo kale Degaanka wxuu leeyahay xarun caafimaad oo dhawaan Wasaarada Caafimaada Puntland ay daahfurtay, Waxaan ka hawl galo shaqaalle tababaran oo marwalba u taagan sidii dadka deegaanka ay u heli lahaayeen Caafimaad daryeel leh. Waxaa sidoo kale ku yaaal deegaanka Dugsiga hoose ee TAYO oo si heer sare ah u shaqeeya, wuxuuna hoostagaa Wasaarada Waxbarashada Puntland. Waxaa intaas dheer oo deegaanku leeyahay Dusgi Quran iyo Masaajid ay dad bani ku cibaadaystaan.

Deegnka Xaarxaar wxaaa kajira ganascsiyo badan oo bixiya adeegyo kala duwan. Waxaanka kamid ah Shirkadaha Golis iyo Somtell oo xafiisyo iyo shaqaalleba ay u joogaan Deegaanka Xaarxaar. Deegaanka Xaarxaar waxaa mara wadad dheer ee laamiga ah waxaayna caan ku tahay caano Geel aad u macaan iyo uduga ay Puntland ku caan tahay.

Deegaanka waxaa oo tagao tuulooyin dhawr ah kuwaas oo ka hareerssan. Waxaana kamid ah, Waabari, Meeraysane, QalanQalle, Balli Dacar Yare, Sagaal Kudhis iyo Koryaal.

Godoomiyaha Deegaanka Xaarxaar Abdikarin Gelle(Dhuqubo) ayaa noo xaajiyey inuusan deegaanku lahayn saldhig boolis oo ka shaqeeya amaanka deegaanka. Wuxuuna intaas ku daray inay hada ku hawlanyihiin sidii saldhig boolis loogu samayn lahaa deegaanka ayagoo la kaashanaya laamaha amniga ee Puntland.

Abdulkadir Hananjeex
Xaarxaar, Nugaal, PL

Related Items


Leave a comment