Xildhibaanada Hirshabelle oo kalsoonida kala noqday Madaxweyne Cosoble

Monday August 14, 2017 - 19:21:11
0 Comments
1325

Magaalada Jowhar ayaa waxaa goor-dhaw kulan uu ku yeeshay baarlamaanka Hirshabeelle xilkii looga qaday madaxweynihii Maamulkaas, Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad, kaddib eedeymo xilliyadii u dambeeyay loosoo jeedinayay.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle xilka uga qaaday cod gacan-taag ah, kaddib markii kulankii baarlamaanka ay soo xaadireen xildhibaannadii loo baahnaa si kulanka loo qabto.

Kalsooni kala laabashada xildhibaannada baarlamaanka Hir-sbabeelle ayaa waxaa ogolaatay 68 xildhibaan, halka ay ka aamuseen afar xildhibaan oo keliya, sida ay sheegeen guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Dhanka kale, Waxaa kulanka loo diiday suxufiyiinta, balse xildhibaannadii ku hoolka shirarka baarlamaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay kalsooni kala laabashada madaxweynihii HirShabeelle Cali C/llaahi Cosoble.

Madaxweyne ku xigeenkii HirShabeelle Cali Guud-laawe ayaa loo igmaday inuu si KMG ahaan ah u sii wado howlaha kala duwan ee maamulkaas inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha xilka laga qaaday ayaa dhawr jeer waxaa lagu eedeeyay xil gudasho la’aan, iyadoo ugu dambeyn ay shalay xilalkooda iska casileen tobaneeyo wasiirro, si ay u muujiyaan inuusan madaxweynuhu kasoo bixin hawlihii loo igmaday.

Related Items


Leave a comment