Beesha Tanade oo ku dhawaaqday inay masiirkeeda ka tashaneyso... Sii Akhri

Tuesday August 15, 2017 - 17:57:07
0 Comments
1552
Beesha Tanade oo ku dhawaaqday inay masiirkeeda ka tashaneyso kadib gabagabada gogoshii Garowe (WAR SAXAAFADEED)

Beesha Tanade Daarood ayaa soo gaba-gabaysay shir labadii bilood ee la soo dhaafay uga socday magaalada Garowe, isla markaana ay ku dalbanayeen in loo kordhiyo xubnaha ay hadda ku leeyihiin barlmaaanka Puntland.

 

Tabashada Beesha Tanade oo muddo soo socotay ayaa la sheegay in ay ka soo horjeesteen qaar kamid ah siyaasiyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaasi oo dowladda ka dalbaday in aan beel kaliya loo furin dastuurka u yaala maamulka.

Xoghayaha shirkan C/qaadir Cali Nuur ayaa goobta ka akhriyay qodobada ka soo baxay shirka ay lahaayeen beesha Tanade ,isla markaana goobta ka sheegay in nidaamkii dowliga ahaa ee Puntland uu u afduuban-yahay kaliya siyaasiyiinta beesha Majeerteen.

Waxa uu sheegay in ujeedka beesha Majeerteen uu yahay in ay taraystaan xilka madaxtanimada Puntland , isla markaan ay dantooda kaliya ku ilaashadaan dastuurka u qoran dowladda Puntland.

Qodobada kale ee xoghayuhu uu goobta ka akhriyay waxaa kamid ahaa:

1-In dulmiga awood qaybsiga Puntland uu yahay mid qoto dheer kuna salaysan hab qabiili ah.

2-In xalinta tabashada beesha Tanade iyo go'aankii Isimada Puntland ay hor-taagan yihiin dhamaan siyaasiyiinta beesha Majeerteen.

3-In Dastuurka Puntland iyo dhamaan nidaamka dowliga ah uu afduuban-yahay siyaasiyiinta beesha Majeerteen

4-Beesha Tanade Daarood waxa ay go'aansatay in ay ka tashato masiirkeeda siyaasadeed ee mustaqbal.

5- in Beesha Tanade ay shir-weyne isugu timaado magaalada Gaalkacyo 30 cisho gudahood.

6- Beesha Tanade waxa ay u garaabaysaa dhamaan beelaha ku dulman Puntland iyo kuwa aan mataalad-da ku lahay golaha wakiilada.

7-Beesha Tanade Daarood waxa ay u mahad-celinaysaa Isimadii sharafta lahaa ee ka soo qayb-galay gogashii Tanade ,go'aamiyayna in afar xubnood loogu daro barlamaanka.

Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo kamid ah hogaanka dhaqanka ee Beesha Tanade kana hadlay goobta ayaa u mahad-celiyay Isimadii garab istaagay beesha Tanade intii uu socday shirkii ay ku lahaayen magaalada Garowe.

Ugu danbayn Bayaanka ka soo baxay beesha Tanade oo ahaa mid qodobo badan ka koobnaa ayaa muujinayay sida ay beesha uga xun-tahay xal ka gaaris la'aanta tabashadooda, xilli ay jiraan beelo   kale oo sidan oo kale cabasho ka muujiyay nidaamka awood qaybsiga Puntland. 


Related Items


Leave a comment