FAALLO:-Rooboow maxay shacabka iyo Dowladdu ka filayaan?

Wednesday August 16, 2017 - 19:42:46
0 Comments
1796
Inta aanan guda galin dulucda Faallada, bal marka hore aan wax ka xusno waan Nin ceynkee ah Shiikh Mukhtaar:-Sheekh Mukhtaar Cali Rooboow Naaneysta uu Kooxdiisu hore ku lahaa ayaa aheyd Abuu-Mansuur.


Inta aysan is khilaafin waxaa uu ahaa Guddoomiye ku xigeenka Kooxda Al-shabaab, waxaa uuna ka mid ahaa aas-aasayaashii Kooxdaasi, balse waxa uu u soo noqday Afhayeen, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay midka kaliya ee ka nool Madaxdii Ururkaasi aas-aastay, isagu waxa uu tababar ku soo qaatay Wadanka Afqanistaan.

Dowladda Mareykanka ayaa Shiikh Mukhtaar ku dartay Liiska dadka la dul dhigay Madaxooda 6-dii bishii June sanadkii 2012-kii, waxaana ka mid ahaa dadkaasi Hoggaamiyihii hore ee Kooxdaasi Axmed Godane, Ibraahim Afqaan, Fu’aad shongole iyo Rag kale, balse markii dambe waa laga saaray Shiikh Mukhtaar Liiskaasi, kaasi oo ahaa codsi ay Dowladda Federaalka Soomaaliya soo jeedisay.

Dadweynaha Soomaaliyeed aayaa aad isu weydiiayay islamarkaana sugayay hadalka ku saabsan aayaha dambe ee Shiikh Mukhtaar, balse shalay ayuu ka soo muuqday Hotel ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi ku qabtay Shir jaraa’id, kaasi uu ku caddeeyay in uu ka baxay kooxdaasi, isagoo tilmaamay inuu soo kala dhex galay Qilaaf ku salaysan Caqiidada.

Sheekh Muqtaar ayaa yiri "Waxaan u cadaynayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed iyo Caalamka inaan ka baxay xubina ka ahayn Al-Shabaab Mudo Shan Sano iyo Todobo Bilood ka hor, sababta aan uga baxayna ay tahay, kala duwanaan faham iyo khilaaf Caqiiddo ku qotoma oo ku saabsan Arrimo aanan Diinta Dadka iyo Dalka u adeegayn.”

Sheekha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Sooomaaliya iyo Saaxiibada Beesha Caalamka kaalintii ay ku lahaayeen in heerkaan ay wax soo gaaraan, waxaana uu intaa ku daray inuu wada hadal u socdo dowladda oo uu marti ugu yahay Magaalada Muqdisho, isagoo rajeeyay in Wadahadalkaas is-faham waxgal noqda ay ku soo dhammaadaan.

Ugu dambayntii Sheekh Muqtaar ayaa mar kale uga mahad celiyay dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda sida diiran ay ugu soo dhooween Magaalada Muqdisho, isagoo rajo ka qaba inuu u gogol xaaro nabad waarta.

Hadalkii Shiikh Mukhtaar kadib waxaa iyana War-saxaafadeed soo saaray Xukuumadda Soomaaliya waxaana lagu yiri:- "Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa aasaas u ah in shakhsigii ka waantooba falalka argagaxisnimada ah, doonayana inuu ka qeyb qaato nabadeynta dalka in lasoo dhaweeyo,sidaasi darteed, Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa Mukhtar Roobow Cali oo Muqdisho jooga, xaqiijiyeyna inuu ka baxay kooxda Al-Shabaab”.

War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballanqaadeysaa inay soo dhoweyneyso cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Dowlada Federaalku waxay u mahad u celisay cid walba oo ka qeybqaadatay, kaalinna ka geysatay wadahadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada Beesha Caalamka.

Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu amaanay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ka geysatay in uu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtaar Roobow.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay taageereyso qorshaha Soomaaliya ay hoggaaminayso oo lagu bahdilayo saameynta Al-shabaab, isla markaana lagu sameynayo is-faham iyo isku soo dhowaansho, taasi oo ay ka mid tahay isu soo dhiibidda xubnaha sar sare ee Al-shabaab, dib-u-heshiisiinta, kor u qaadista dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada.

Warkaasi ka soo baxay Dowladda Mareykanka waxaa uu dowladda Soomaaliya ku boorinayaa in ay sii waddo dadaalada jidka u xaareya in xubnaha Al-shabaab ay diidaan falalka guracan ee argagaxisada ku saleysan, kuna soo biiraan nabad dhisidda iyo barwaaqeynta guud ahaan Soomaaliya.

Shariif Xasan Shiikh Aaden Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa isna sheegay Maanta in Mukhtaar Rooboow tallabada uu qaaday ay tahay mid lagu farxo, wuxuuna intaasi raaciyay in uu aqlabay dhammaan dalabyadii ay u soo jeedisay Dowladda soomaaliya, waxaa kale ee uu ku tilmaamay arrintaasi guul u soo hoyatay Shacabka soomaaliyeed.

Haddaba maxaa laga filaa Shiikh Mukhtaar Rooboow maadaama uu hadda ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, maxayse u taraysaa Dowladda Soomaaliya?, su’aalahaasi ayaa jawaabahooda u dhacayaa in Rooboow looga baahan yahay in uu dagaal dhab ah la galo Kooxdiisii hore, kana qeyb qaato gulufka lagu ciribtirayo Maleeshiyaadkaasi, tan kale Dowladda wax weyn ayuu u tarayaa maadaam uu ahaa Madax ku xigeenkii Ururkaasi, islmarkaana dagaal uu dhex maray Ciidankiisa iyo kuwa Al-shabaab.

W.Q:- C/llaahi Ruush

Related Items


Leave a comment