Dadaalka Dawladda Soomaaliya ee Ciribtirka Musuq maasuqa

Monday November 12, 2018 - 22:43:31
0 Comments
2157

Musuqmaasuqu waa lunsasho hanti dadweeyne,waxaana laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada wuxuuna horseedaa nolol xumo isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee dawladinmada iyo horumarka

Mudadii ka danbaysay 8dii feberuary oo ahayd markii uu dalka ka dhacay isbadalkii maamul ee  shacbiga Soomaaliyeed sida wayn u soo dhaweeyeen waxaa Madaxwayne Max’ed C/llaahi farmaajo iyo Ra’iisalwasaare Khayre durbadiiba bilaabeen in ay shacbiga soomaaliyeed ku wacyi galiyeen la dagaallanka Musuqa oo ah dilaaga dowladnimada iyo rajada shacabka, waxayna fagaarayaal badan si aan leex leexad lahayn kaga cadeeyeen in ay muhiimadda koowaad siinayaan ciribtirka musuqa.

Ra’iisalwasaare Khayre oo ka hadlayay dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ugu jirto baabi’inta iyo xididdo siibidda  musuqa meel kasta uu ka jiro ayaa yiri

"Soomaaliya waxay la dagaalamaysaa Musuqa waxaa hogaaminaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisalwasaaraha waxayna diyaar u yihiin in wadankaan lagu maamulo cadaalad ,Musuqmaasuqana lagu jihaado,Waxaan idinka codsanayaa in aad nagala qayb qaadataan jihaadkaas,Musuqmaasuqu waa cudurka ugu xun ee ku dhaca nidaam dowladeed,Meel uu Musuq ka jiro Caddaalad kama jirto meel Musuq ka jiro horumar ka ma jiri karo,Meel uu Musuq maasuq ka jiro nabadgalyo ma imaan karto,Meel uu musuq maasuq ka jiro isku kalsooni ma jirto, Meel uu Musuq maasuq ka jirana  Alle ka cabsiga waa ku yar yahay”.

Dhaqan doorsoonkii ka dhacay dalka waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato lahayn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 

1- In la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo  ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-In la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban, tallaabadaas oo Ra’iisalwasaare Khayr horay u qaaday.

3-In sidoo kale dib loo hubiyo loona tira kobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

4-In Xukuumaddu hubiso  qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay,xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.

5-In xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta haydaha dawladda lagu xulo xirfad  lagana hortago qof jaclaysi iyo qaraabakiil.

6-In laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qaybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad wayn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya.

Maxaa Tallaabo ah oo  dowladdu ka qaaday la dagaallanka Musmaasuqa? 

Waxaa la xiray  Sarakiil lagu eedeeyay in ay hantidii qaranka iyo in ay gargaarka loogu tala galay dadka tabaalaysan Musuqmaasuqeen, Waxaa xilka laga qaaday Masuuliyiin la sheegay in ay xadeen hantida dadwaynaha,qaar kalana shaqada laga fadhiisiyay, Madaxdii Kastamka Dekedda ayaa xabsiga loo taxaabay, waxaana lagu soo eedeeyay lunsasho hanti dadwayne.

Hawlgalka la dagaallanka Musuqmaasuqa wuxuu gaaray Safaaradaha, waxaana  Ra’iisalwasaare Khayre ku amray dhamaan shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee Suudaanta waqooyi in ay dalka soo galaan si loola xisaabtamo.

Waxaa la badalay Garsoorayal maxkamadeed,kuwa kalana shaqada ayaa laga joojiyay. Sidoo kalana waxaa xabsiga la dhigay Saraakiil ciidan.

Xukunno lagu riday eedaysanayaal Musuq maasuq.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 3/11/2018 soo gabagabaysay dacwad loo haystay howlwadeenno ka tirsanaa Waaxda canshuuraha ee Dekedda Muqdisho iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Mas’uuliyiintaan lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti dowladeed ayaa waxaa ka mid ahaa Maamulihii hore ee  Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayay.

Axmed Cabdulaahi Samoow iyo howlwadeenada kale ee la shaqeynayay ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah, halka labo kale ay Maxkamadda gobolka Banaadir ay sii daysay, taasoo mid ka mid ah ay ahayd haweenay ku xigeen ka ahayd Waaxda Canshuuraha Dekedda Muqdisho.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min saddex sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay agaasime waaxeedkii Wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka Daahir Maamed Nuur iyo nin kale oo lagu magacaabo Mohamed Cumar.

Waa markii u horeysay ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuno ku rido mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Gabagabadii Qormada, Musuqa maasuqu waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah,waxaana  jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa  la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah  ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoojinta tiirarka dowladnimada Soomaaliya.

W/D:-Gobdoon

Related Items


Leave a comment