Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka oo si dar-dar leh u socda (Warbixin)

Thursday September 12, 2019 - 02:58:45
0 Comments
1599
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaa la aas-aasay 12-ka April 1960-kii, kaasoo lagu Aasaasay ciidan ka kooban 8 horimood, oo lagu magcaabi jiray waqtigaa Cali Boobaaye.

Ciidankaasi ayaa tiradiisu ahayd 2000 oo Askari, oo laga kala qoray 6 gobol oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Gumeystihii Talyaaniga gumeysanjiray, Degmo kasta waxaa laga soo xulay 50 Askari, oo tababarka, ama kuruudku ciidanka ku qaatay Xerada Bootiko oo markii dambe loo bixiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xalane.

dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu ahaa intii u dhaxeysay Sanadihii 1969kii ilaa iyo 1990kii oo ah xilliga dowladdii militeriga ay gacanta ku heysay hoggaanka talada dalka, Xilligaasi Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa xilligii uu ugu dhismo iyo tababar badnaa waxaana la ballaariyay dhismihii ciidanka, waxaa la dhisay ciidanka lugta iyo qeybaha kale ciidanka.

Ciidanka Difaaca Cirka, oo markii hore ahaa horimo gaar ah, sidoo kale, waxaa la ballaariyay qeybihii gobollada dalka ku waa soo ay xarumo u ahaayeen Magaalooyinka- Muqdisha, Dhuuso-mareeb Hargeysa, Burco, Baydhabo iyo Kismaayo. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilligii dowladdii militeriga wuxuu gaaray xagga dhismaha iyo farsamada heer aad u sarreeya, wuxuuna ka soo qeyb galay dagaallo iyo howlo nabad ilaalin oo nabadgalyada loogu soo celinayo dalalka ka tirsan Qaarada Afrika taa soo uu ku kasbaday in loogu yeero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed(Libaaxyada Afrika).

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed intaasi wixii ka dambeeyay waxa uu gaaray inuu gaamuro oo Cududdiisa lagu tilmaamay xilligaasi iinuu ahaa kuwa ugu awoodda badan Afrika, balse waxa uu qeyb ka ahaa Burburkii Dalka soo gaaray sanadkii 1991-kii, waxaana hadda lagu jiraa xilligii ugu fiicnaa oo ay ka soo kabanayaan, waxaana socdo dadaallo dib loogu dhisayo awooddi iyo xooggii Ciidanka Qalabka sida, iyadoo ay socdaan isku dhafka Ciidamada iyo waliba Qarameyntoodaba.

Isku dhafka ciidamada xoogga ayaa xoojinaya guulihii laga gaaray isku dhafidda ciidamada Booliiska iyo nabad-sugidda, arrintaas oo muujineysa in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu ku guuleystay qorshihiisii ahaa qarameynta ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada deegaanka, si ay wadajir ugu xureeyaan deegaannada Galmusug ay argagaxisadu uga sugan tahay.

Haddaba dadaalada socda waxaa ka mid ah in dhawaan Dowladda Ugaandha oo ka mid ah Dalalka Teegeero dhan Tababarka Ciidamada u fidiya Ciidamada Qalabka sida, sidaasi awgeed ayaa Waxaa Xerada tababarka ee Kabamba lagu qabtay Munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay Leyli Saraakiil oo muddo hal sano iyo bar tababar ugu socoday Dalkana Uganda.

Waxaana Munaasabaada tababarka loogu soo xirayay Leyli Saraakiisha goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda, Taliyaasha Ciidamada Uganda, Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya, isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Diplomaasiin, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata halkan iyo bulshada qeebaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu soo gaaray goobta Salaan sharaf ka qaatay Ciidamada, iyaoo Leyli Saraakiisha ee Tababarka loo soo xiray ee isugu jiray Soomaaliya, iyo Ugandees, islamarkaana soo bandhigay dhoola tus qurux badan.

Sido kale Leyli Saraakiisha ee tababarka u soo idlaaday ayaa goobta lagu dhaariyay, sido kale Madaxweyne Yoweri ayaa abaalmarin gudoonsiiyay Saraakiishii kaalmaha horey ka galay muddadii uu tababarka socday. Iyadoona kuwa ka socda dowladda Soomaaliya uu qeyb ka ahaa dadkii abaalmarintaas la guddoonsiiyay, intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa khudbad ka jeediyay goobta Madaxweyne Museveni, asigoona Saraakiisha ku booriyay inay mar walba dantooda ka hormariyaan danta dadkooda.

Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa laga soo dhoofiay garoonka Caalamigga ah ee Entebbe, waxaana horay u soo raacay saraakiisha Abaanduulaha Ciidanka lugta General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire, iyo isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed waxaana garoonka ka sagootiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamad Maxamuud (Cagabaruur).

Dhinaca kale waxaa jira Tababar loogu soo xiray Xerada TURKSOM ee Magaalada Muqdisho Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo uu u soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo muddo labo sanno ah lagu diyaarinayey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabbadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku biiraan Ciidamada Qalabka sida, iyagoo ay ka go’an tahay inay dalkooda ka difaacaan argagaxisada iyo cadawga u taagan dibindaabyada Shacabka, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo saaxiibtinimo.

Intaasi kuma eka dib u dhiska Ciidanka Qalabka sida ee waxaa kaloo jira Ciidamo hadda uu tababar xooggan ku qaadanaya Dalka Dibaddiisa oo ay ka mid tahay kuwa uu hadda ugu soo edlaaday Magaalada Isparta ee Dalka Turkiga, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya Xuduudda Xoogga leh ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Haddaba Dhoola tuska Xafladda Qalin jebinta ee Dufcaddii 2-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray Magaalada Isparta ee dalkan Turkiga, oo tababarkoodii adkaa si guul leh loogu soo gabagabeeyay, ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ku soo dhaweeyay Ciidan lagu soo tababay Turkiga Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (ammar dambe), waxaana Wasiirka ku wehliyaan ku- simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya,Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidanka soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhowr sano ah waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga TURKSOM ee Muqdisho iyo xarumo kale, kuwaasi oo door buuxda ka qaadan doona la dagaallanka Argagixisada.

Gunaadka Qoraalkan ayaa ah Ifafaalaha iyo horumada ka soo if baxaya Maamulka GalMudug ee lagu Qaramaynayo Ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa kale ee beelaha ee ku sugan degaanadaasi iyo Ciidamada tababaradu ugu soo dhammaanayaan goobaha kala duwan ee Dalka Gudahiisa iyo Dibaddisaba,waxay cadayn u tahay Taabagalnimada Qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah in Qarankeennu yeesho ciidamo awood leh oo sugi kara amniga gudaha iyo badqabka xuduudaha dalka, marka Dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u socda si dar-dar leh, taasi oo lagu talabagalinayo Cudud Xooggan oo baacsan karta wax kasta oo soo haweysta ama ku soo gardarooda Ciidda Dhulka Soomaaliyeed.

W.D: C/laahi Ruush

Related Items


Leave a comment