Beesha Caalamka oo war kasoo saartay go'aannadii kasoo baxay Dhuusamareeb

Saturday July 25, 2020 - 05:53:18
0 Comments
725
Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay kusoo dhoweysay go'aanadii kasii baxay shirkii dhowaan madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ugu soo idlaaday magaalada Dhuusamareeb.

"Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay rajeynayaan in kulankii muhimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF)ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb uu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka waxay si gaar u sheegtay inay soo dhoweeneyso go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020.

"Marka uu guddigu hore u gudagalo hawshiisa, waxaa lagama maarmaan noqon doonta in la helo heshiis ballaaran oo dhexmara saamilleyda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

 

"Saaxiibadu waxay mar kale ku celinayaan inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.”

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa ugu baaqay dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.

"Hanaanka doorashada ka sokow, saaxiibada beesha caalamku waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorrinayaan inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga,” ayaa lagu yiri qoraalka.

"Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray:


* Belgium, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

Related Items


Leave a comment