Sidee ayey Dadku uga faa'iideystaan Baraha Bulshada?

Saturday July 25, 2020 - 05:56:26
0 Comments
1816
Baraha bulshada waxay ka mid yihiin adeegyada dhinaca teknolojiyada ee dhowaan ku soo biiray caalamka ,kuwaas oo yeeshay saameynta ugu bdan.

Baraha bulshada oo ay ku jiraan facebook, whatsapp ,istigram , twitter yo kuwo kale waxay leeyihiin faa’idooyin dhanka xiriirka bulshada, iska warqabka iyo xog is weydaarsiga taas oo caalamka ka fududeysay culeys badan oo dhinacaas ka heystay.

Waxaa haatan suurtagal ah in bulshooyin dhan ay muddo daqiiqado iskula xiriri karaan meel ay joogaanba ayna si cod iyo muuqaal arag ah isula xiriiraan dhib la.aan ayna xaaladda is gaarsiintu noqoto mid qof walba ugu jirta gacantiisa oo aanu meel dheer ka doon doonin.

Maxamed Cabdi Xasan waxaa uu ka mid yahay dadka dhallinyarada ah eek u nool magaalada Muqdisho wuxuu leeyahay teefoon casri ah wuxuuna teknolojiyada uga faa’ideystaa in uu ka daalacdo macluumaadka uu uga baahan yahay dhinaca waxbarashada.

"Waxay teknolojiyada ii suurtagalisay in aan mar walba iyo meel walba oo aan joogo kala socaon karo duruusta iyo macluumaadka aan ugu baahanahay aqoonteyda jaamcadeed”ayuuna yiri Maxamed oo sheegay in qalabkan uu yahay mid faa’ido badan haddii sida uu yahay looga faa’ideysto.

Waxaa kale oo qaabkani caawiyey socodka howlaha shaqo ee xafiisyada oo inta badan madaxda iyo shaqaaluhu wey ku wada xiriiraan waxayna uga baxeen is raadintii iyo wicitaankii faraha badnaa ee telefoonada taas oo fududeysay iska war heyntii dhinaca shaqada .

Inkastoo faa’idooyinkan uu leeyahay hadana waxaa jira dad badan oo si aan fiicneyn u isticmaala qalabkan kana dhigay mid si ka baxsan sidii uu ahaa ka dhigay una rogay meel la soo dhigo aflagaadooyin iyo hadalo aan munaasib aheyn.

"Dadka qaar waxay kugu qasbayaan in aad nacdo qalabkan siiba Facebook-yada oo noqday goobo dadka qaar aany u meel dayin waxa ay soo dhigayaan ama ku sheegayaan iyadoo taasi keeneyso in qalabkan uu isu bedelo goobo dadku nacbeytaan” ayuu yiri C/qaadir bedel oo Muqdisho ku nool .

Qalabkan baraha bulshada dadka qaar waxay u yaqaanaan meel wiilasha iyo gabdhuhu iskushukaansadaan oo keliya hase yeeshee ujeedada iyo shaqada qaabkan waa ka fog tahay intaaas waaana meel looga faa’ideysan karo isdhexgalka bulshada iyo in in la siky weydaarsado afkaarta iyo xogaha dadku u baahan yihiin.

Baraha bulshada waxaa is qabsada mararka qaar arrimo fool xumo leh oo ay ku jiraan fadeexooyin qaarkood anney habbooneyn in dadka lagula wadaago baraha bulshada waxayna ddka qaar siiba ragga da’da yar u isticmaalaan in ay ku fool xumeeyaan kuna dilaan sumcadda gabdhaha taas oo ah wax aan aan akhlaaq ahaan iyo diin ahaan wanaagsaneyn oo fool xun.

"Kuwa noocaas ah waa kuwo aan damiir laheyn oo dmacoodu hor kacay mana la socon karaan mujtamaca casriga ah ee ka faa;ideysanaya teknolojiyada horumartay " ayuu ii sheegay Cabbaas Axmed oo ka mid ah dhallainyarada Mu qdisho oo aad uga carooday arrimo la wareejinayo baraha bulshada oo ceeb ku ah mujtamaca.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay ku cusub tahay adeegsiga teknolojiyada mana aha in dadku adeegsiga barahaas bulshada dadka qaar u weeciyaan adeegsigooda qaab aan habbbooneyn.

Waxaa habboon in dadku raacaan talooyinka wanaagsan kana fogaadaan in baraha bulshada u adeegsadaan qaabka xun ee wax u dhimaya sumcadda dadka .

Waa in baraha bulshadu noqdaan goob looga hadlo qaabkii dadlakn burburay loogu horumarin lahaa ee aan loo isticmaalin horjoogsiga horumarka iyo wanaagga.

WQ: Mohamed Shiil

Related Items


Leave a comment