Masjidka Aaya Soofiya oo Lagu Oogay Salaadda Jimcaha 86 Sanno Ka Dib

Saturday July 25, 2020 - 06:02:36
0 Comments
1523
Masjidka Aaya Soofiya oo ku yaalla Magaalada Istambuul ee dalka Turkiga ayaa maanta lagu oogay saaladii Jimcaha markii u horraysay muddo 86 Sanno ah ka dib markii in muddo ah uu ahaa Matxaf ama goob lagu bandhigo dhaqanka iyo taariikhda.


Kumaankun qof ayaa ka qaybgalay furitaanii Masjidka oo ku oogay Salaadii jimcaha, dadkaasi waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergogan

"Muslimiintu way faraxsanyihiin, qof walbaa wuxuu doonayaa inuu ka qeyb galo furitaanka,” Sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Magaalada Istanbul Ali Yerlikaya oo la hadlay Warbaahinta.

 


 

Horaantii bishaan, maxkamadda sare ee Turkiga ayaa baabi’isay madxafkii Hagia Sophia,oo muddo 86-sano ah ahaa dhismo hey’adda Unesco ay u aqoonsan tahay goob lagu bandhigo dhaqanka iyo taariikhda.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in 24-ka Luulyo oo ku began manta dib loo furayo dhismahaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo masjid


Sanadkii 537 ee Milaadiga waxaa dhisay Dhismaha Sofia boqorkii Roomaanka Byzantine ee Justinian, waxaa dhismahaasi masaajid loo bedelay sanadkii1443-dii, markii Hoggaamiyihii Muslimiinta Maxamed Alfatix uu qabsaday Magaalada Istanbul oo hore loo oran jiray Constantinople

 

Sanadkii 1935-tii dhismahaasi waxaa loo aqoonsaday Matxaf,xilligaasi oo uu talada dalka Turrjiga haayey Ataa Turki.



Source: HM

 

Related Items


Leave a comment