Soddon sano ka dib kooxda liverpool waa horyaalka koobka ingriiska

Saturday July 25, 2020 - 06:30:27
0 Comments
1535
Waxaa xalay soo afjarmay soddon sano oo Liverpool ay sugaysay horyaalka England ka dib markii ay 23 dhibcood ka sara martay Manchester City oo guuldaro 2-1 ay kala kulantay Chelsea.

Kooxda uu hogaamiyo Jurgen Klopp ayaa u baahnaa hal guul oo ay ku guulaystaa horyaalka, waxaase taasi u fudadeeyey guuldarada City taasi oo ka dhigan in todobada ciyaar ee dhiman aanay Man City soo qaban karin Liverpool.

Koobkan ayaa noqonaya kii 19-aad ee Liverpool ay qaado, waxaase uu noqonayaa kii ugu horeeyey tan iyo xilli ciyaareedkii 1989-1990.

Laakiin, inkastoo ay saddex bilood sugayaan in ay u dabaaldegaan guushan sababo fayraska Karona taageerayaa ayaa waxaa u sheegay inay guryaha joogaan duqa magaalada Liverpool.


Iyadoo masiibada caalamiga ah ay saameysay nolasha dalka Ingiriiska iyo dalalka kale waxaa hakad uu ku yimid ciyaarihii horyaalka, waxayna taasi ku abuurtay walwal iyo walbahaar taageerayaasha Liverpool in horyaalkii ugu horreeyey muddo soddon sano uu halkaasi ku libdho, maadaama ay jireen soo jeedin aheyd in ciyaaraha gabi ahaanba la iska dhaafo, iyadoo aan cidina koon ku guulaysan.

Nasiib wanaag waxay taageerayaasha iyo ciyaaryahanada Liverpool rajadu u soo laabatay bishan ka dib markii labaatanka kooxood ee horyaalka Ingiriiska ka ciyaareen iyo dawladu isku raaceen in ciyaaraha dib loo bilaabo.

Liverpool oo xilligan ah horyaalka aduunka maadaama ay ku guulaystay koobka kooxaha aduunka, koobka horyaalada Yurub waxay sidoo kale caawa noqotay horyaalka Ingiriiska, wallow guushaas ku naaloonaysay Liverpool waxaa u ahaa yoolka koowaad koobka Primer League-ga oo aanay waligeed qaadan tan iyo markii magacan loo badalay 1993-kii.

Liverpool ayaa hadda waxay xooggaa saaraysaa inay hesho dhibco ka badan 100-kii dhiboocd ee Manchester City horyaalka ku qaaday sanad ka hor, waana kooxda dhibcaha ugu badan ku qaaday koobka.

Ciidanka tababare Klopp ayaa soo bandhigay mid ka mid ah hannaan ciyaareedkii ugu xusuustaa Premier League, waxay 86 dhibcood ka urursadeen 28 guul oo ay heleen, laba dhibic oo barbardhac ah, iyagoo hal mar oo kaliya laga badiyey 31 ciyaar.

Liverpool wallow aanay horyaalka Ingiriiska ku qaadan 30 sano haddana waxay ku guuleysteen muddadaas saddex FA cup, afar koobka League cup-ka, Uefa Cup, laba mar oo Champions League-ga ah, saddex mar Super Cup iyo hal mar koobka kooxaha aduunka.

Tababaraha reer Jarmal ayaa Liverpool qabtay October 2015-tii iyadoo kooxdu ku jirtay kaalinta 10-aad, waxaana ay caawa uu u qaaday horyaalka Ingiriiska.


 

BBCSOMALI

Related Items


Leave a comment