Dowladda Itoobiya oo beenisay in Ciidankooda ku jira Amisoom u kala qeyb sameen dagaalka TPLF

Saturday December 12, 2020 - 16:06:09
408
Nasteeh Bare
Dowlada itoobiya ayaa wax kama jiraan ku timaantay wararka sheegaya in ciidankeeda nabad ilaalinta oo kuwa AMISOM ay ka mid yihiin inay kala qeybsameen. Madaxa Wasaaradda Gaashandhiga u qaabilsan Ciidamada Nabad ilaalinta Gen Desta Abiche ayaa sheegay in howlgalka nabad ilaalinta ciidanka itoobiya uu sidii caadiga ahayd u socdo oo aanay wax dhibaato ah ka jirin. Gen. Desta ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidanka Itoobiya kala qeybsameen ay yihiin kuwa abuurtay kooxda TPLF oo aanay sal laheyn "Itoobiya waxay qaadaneysaa kaalinteeda nabad ilaalinta howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo midka Qaramada Midoobey ee Koofurta Sudan" ayuu yiri Gen. Desta. Waxaa uu sheegay Gen. Desta in Itoobiya 11,000 askari ay geysay dalka koofurta Sudan, kuwaasoo howlaha nabad ilaalinta qeyb ka ah. Tan iyo markii Milateriga Itoobiya duulaanka ku qaadeen ayaa waxaa isa soo tarayay in ciidanka Tigreega ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM hub ka dhigis lagu sameeyay, sidoo kalena ay jireen iska hor imaadyo ciidanka dhexdooda dhex maray oo labo dhinac u qeybsamay.

Related Items