Warfidiyeenno kasoo waramayey mudaaharaadka oo la garaacay, lana xiray; Wasiirka Warfaafinta oo ku goodiyay adeegsiga 'Xeerka Warbaahinta

Friday December 18, 2020 - 11:07:27
0 Comments
438
Nasteeh Bare
Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu walaac weyn ka muujinayaa falalka xarigga sharci darrada, xayiraadda iyo hanjabaadaha kale ee ay ciidamada ammaanku ku beegsanayaan weriyayaasha madaxa-bannaan iyo warbaahinta ee kasoo waramayey mudaaharaadyadii ka dhacay Muqdisho Talaadadii 15 Disembar, 2020. Saraakiil dharcad oo ka tirsan Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) oo ay wehliyaan askar boolis oo hubeysan ayaa xiray afar weriye: labo ka tirsan Radio Kulmiye (Cali Cilmi Salaad iyo Sakariye Maxamed Salaad) iyo labo ka tirsan Dalsan TV (Abuukar Axmed Xasan (Dayax) iyo Cabdirisaaq Cali) xilli ay kusii jeedeen goob uu ka dhacayey mudaaharaad ooku taalla degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho. Saraakiisha NISA ayaa joojiyay suxufiyiinta oo waddada socday kaddibna ku billaabay garaacitaan iyagoo su'aalo ka weydiiyay shaqada ay u socdeen, sida ay SJS u sheegeen weriyayaasha. Weriyayaasha ayaa lagu xiray Saldhigga Booliska Degmada Cabdicasiis, waxaana la siidaayey saddex saacadood kaddib iyagoon wax eedeyn lagu oogin. Qalabkoodii shaqada (telefoonnada iyo kaamirooyinka) oo laga qaatay markii hore ayaana dib loogu soo celiyay. Duhurkii Talaadada, boolis hubeysan ayaa waddada ku joojiyey, waqti koobanna hayey labo suxufi oo ka tirsan Universal Somali TV oo kala ah: wartebiye Maxamed Ibraahim Bulbul (oo ka tirsan SJS) iyo muuqaal duube Cabaas Cabdi Xaashi xilli ay marayeen isgoyska Sanca, degmada Kaaraan. Su'aalo weydiin kaddibna waa la siidaayey. Dhammaan weriyayaasha kasoo waramayey mudaaharaadyada Talaadadii waxay SJS u sheegeen in booliska iyo NISA ay ka xirteen waddooyinka, una diideen inay maraan waddooyinka taga goobaha dibad-baxayaashu joogeen. Hawlwadeennada telefishannada waxay SJS u sheegeen inay ku qasbanaadeen inay qalabkooda qarsadaan si ay uga badbaadaan xarig intiiay socdeen mudaaharaadyada. Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe, oo ka hadlay Telefishanka afka Dowladda ku hadla Talaadadii, ayaa ku hanjabay tallaabo sharci isagoo sheegay inay tahay xadgudub ka dhan ah Xeerka Warbaahinta soo tebinta wararka mudaaharaadyada, isagoo ku sifeeyay "barobangando iyo been abuur, ku tiri-ku-teen, balaayo abuur iyo kicinta dadweynaha." "Xeerka saxaafadda waxaa ka xaaraan ah oo ka reeban barobangandada iyo been abuurka, ku tiri-ku-teenta iyo balaayo abuurka iyo kicinta dadweynaha. Waxaasoo dhan waa sharci darro," ayuu yiri Wasiir Dubbe oo intaa ku daray "Suxufiga ka shaqeeya fitnada, balaayo abuurka, rabshadda, isku dirka iyo waxaan jirin sameynta dabcan sharciga ayuu ka hor yimid. Mana rabno in la arko qof sharciga gacmihiisa ku sita oo wuxuu raba sameynaya." SJS waxay ugu baaqeysaa masuuliyiinta Dowladda iyo ciidamada ammaankainay joojiyaan beegsiga weriyayaasha lala beegsanayo xarigga iyo hanjabaadaha kale ee muuqda ooay ku jirtoku goodinta adeegsiga sharciga iyadoo ujeeddadu tahayin la aamusiyo warbaahinta xorta ah. "Waxaan cambaareynaynaa xarigga sharci darrada ah ee loo geystay afarta weriye maalintii Talaadada, kuwaasoo loo beegsaday kaliya inay warar ka soo qaadayeen dad ku dibad-baxayey caasimadda. Weriyayaasha Soomaaliyeed waxay u bareeraan khatar noocyo badan leh kaliya si ay waxa dhacaya u arkaan uguna soo gudbiyaan dadweynaha, mana ahan in loogu hanjabo ama lagu xiro shaqadooda," Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri. "Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha amniga inay ka laabtaan amarrada lagu doonayo in lagu aamusiyo, laguna faafreebo warbaahinta xorta ah. Waana in la joojiyo hanjabaadaha lagu hayo weriyayaasha soo tebinaya wararka la xiriira mudaaharaadyada ku saabsan arrimaha doorashada," ayuu siiraaciyey Xoghaye Mumin. (DHAMAAD)


Related Items


Leave a comment