Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo si kulul u cambaareeyey Dowladda Madaxweyne Farmaajo

Friday December 18, 2020 - 18:53:19
0 Comments
384
Nasteeh Bare
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2020—2021, Shariif Sheekh Axmed oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar uu uga maqnaa muddo todobaad ah ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo labadii maalmood ee la soo dhaafay bannaan baxyo sababay shaqaaqooyin ka dhaceen magaalada. Sheekh Shariif ayaa ka tacsiyadeeyay dhacooyinkii maalmahan ka dhacay magaalada, isagoo xusay in xaalad aan fiicneyn ay gashay magaalada oo laga baaqsan karay. Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in wixii tabasho ah ay xaliso, isla markaana aanay adeegsan hab dagaal iyo mid ciidan. Sheekh Shariif ayaa ka tacsiyadeeyay dhacooyinkii maalmahan ka dhacay magaalada, isagoo xusay in xaalad aan fiicneyn ay gashay magaalada oo laga baaqsan karay. Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in wixii tabasho ah ay xaliso, isla markaana aanay adeegsan hab dagaal iyo mid ciidan. "Xaalada dalka meel aan wanaagsaneyn ayay mareysaa, Waxaa ka digeynaa in dalkaan dib loo celiyo waa arrin sharciga iyo dowladnimada ka soo horjeeda in hab aan fiicneyn la adeegsado sida ciidan iyo dagaal"ayuu yiri Sheekh Shariif. Waxaa uu ugu baaqay Ciidamada in aysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadeed, isla markaana ay noqdaan ciidanka kuwo u siman siyaasiyiinta, sidaasna ay ciidan Qaran ku noqon karaan sida uu hadalka u dhigay. "Xaalada dalka anaga waxaa leenahay meel aan wanaagsaneyn ayay joogaan yaa looga sii daran, xillgaan loo baahan yahay caqliga xigmada shaqeyso, wax aad wada hadal ku heli karto maxaa keenaya dagaal iyo in aad ciidan u soo bixiso"ayuu yiri Sheekh Shariif "Dowladda waxaa laga rabaa inay albaabadeeda furto, madaxeeda furto, ninkii yimid waa baxaa, nin kasta oo yimaada waa baxaa, tusaale uma baahnidiin waa buuxaan, kursiga haddii la joogayo nabad iyo sharaf halagu wada joogo, haddii laga tagayo nabad iyo sharaf looga tago, dadka ayagoo mucaarad iyo muxaafad sharciga inay ku wada joogaan la rabaa, haddii si kale isu qadarin waayaan sharciga waa inuu u dhaxeeyaa.

Related Items


Leave a comment