Qarax lala eegtay Ingineeradii dhisaayey Wadada xiriirisa Degaanka Xaawo Cabdi

Saturday January 02, 2021 - 14:08:22
0 Comments
610
Nasteeh Bare
Wararka naga soo gaaraya Degaanka Xaawo Cabdi ayaa sheegaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho,qaraxaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Xaawo Cabdi iyo Lafoole Goobjoogayaal ku sugan goobta ayaa shegaya in qaraxan lala eegtay Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye. Illaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxan balse waxa wararka ay sheegayaan in hal askari uu ku dhintey halka mid ka mid ah injineerada Turkiga uu ku dhaawacmay. Qaraxan ayaa waxa uu ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa oo isku dhex qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Injineerada Turkiga iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaliya.

Related Items


Leave a comment