Nabadoon Cabdi khaliif oo ku geeriyooday magalada Galkacyo

Saturday January 09, 2021 - 17:53:54
0 Comments
1415
Nasteeh Bare
Nabadood Cabdi Khaliif Maxamed Aadan oo ah Nabadoonka Guud ee Beesha reer Axmed oo ka mid ah Ortoble Yusuf Darood, ayaa maanta ku geeriyood magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Nabadoonka ayaa mudooyinkii dambe la jiifay xanuun ka dibna uu geeriyooday.  Waxaana lagu xasuustaa nabdeynta beelaha dega Gobolka isagoo kaalin weyn ka qaatay nabadeyntooda.

Nabadoon Cabdi Khaliif oo aad loogu yaqiinay degaanada Puntaland kana tirsanaa Isimada Puntaland, ayaa Bulshada taqaanay ku tilmaameen in uu ahaa nin afgaaban oo ka shaqeeya nabadeynta iyo Horumarka Puntland.

Waxaa uu ahaa nin da'diisu lagu qiyaasay 80 iyo dhowr jir waxaa tacsi u diray dhamaan Qoyskiisa iyo isamada Puntland oo uu ka tirsanaa. 

Inaa lillahi wa inna illeyhi raajicuun!


Related Items


Leave a comment