Howlgal Ciidamada Difaaca Federaalka Itoobiya ay ka sameeyeen deegaanada buuraleyda ah ayaa waxay ku dileen xubno sarsare ka tirsan TPLF, iyagoo nolol ku qabtay dhowr xubnood.
Madaxa howlgelinta Ciidanka Itoobiya Brig. General Tesfaye Aylwe ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore.
Sidoo kale ragga la qabtay oo todobo xubnood ahaa ayaa waxaa ku jira Getachew Tafara oo ahaa Madaxii Xafiiska Madaxweynaha eenabadda iyo amniga deegaanka Tigray.
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay inay baadigoobeyso saraakiil sar sare oo ka tirsan TPLF oo qaarkood lacago la dul dhigay madaxooda, waxaana ragga la raadinayo ka mid ah Madaxweynihii Dowlad deegaanka Tigray.

Leave a comment